Muwaadin Kastaa waa Safiir Dalkiisa Wanaaga ku Metela! Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

0
886

Todobaadkan horraantiisii ayay ahayd markii Muwaadinka dhalinta yar ee reer Somaliland uu isaga oo iskii isu Xilqaamaya intuu Baaskiillkiiisii diyaarsaday, oo uu is diiwaan geliyay oo uu Calanka Dalkiisa Huwaday uu ka qayb qaatay Tartan baaskiil London ka dhacay oo ku dhawaad Todobaatan kun oo qof ay ka qayb qaateen, Wiilkan dhalinyarada ah oo magaciisa la yidhaa Eng. Axmed Gurey Sh Cumar oo uu dhalay Daacigii weynaa Cumar-Xuseen Macalin Ceesh ayaa waxa uu tusaale u yahay dhalinyarada iyo muwaadiniinta Somaliland ee Dunida dacaladeeda jooga ee habeen iyo maalinba u halgamaya sidii ay Qarankooda Magac iyo Maamuus ugu soo jiidi lahaayeen.

11822641_10206773058198905_1639497044408784891_n

Waxaa lagama maarmaan ah in Muwaadiin kastaa uu ogaado inuu Wakiil ka yahay Dalkiisa, loona baahan yahay inuu Waajibaadka Dalkiisa Hooyo ka saaran uu siduu uu u gudan lahaa uu isu xilqaamo, maankana uu ku hayo in uu Muwaadin kasta uu Dalkiisu sugayo.

 

Waxaan Hambalyo iyo Mahadnaq u dirayaa Eng. Axmed guray iyo Muwaadin kasta oo uu hawl gala inuu Magac iyo Maamuus usoo hooyo Dalkeena, kana qayb qaata horumarinta iyo gaadhitaanka Yoolka Qarankeena.

 

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here