Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudida loo saaray Isku dabaridka Qaadhaan Ururinta Abaaraha iyo Qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadka tabaalaysan ku qabteen Xafiiska Rugta Ganacsiga ee Caasimada Hargeysa ayey ujeedadiisu ahayd in ay deeq loo hibeeyey abaaraha ka gudoomaan qaar kamida Shirkadaha Ganacsiga ,xubno kamida Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland iyo qurbojoog dalka ku sugan.
Tiro kamid Guddida oo isugu jirtay Ganacsato iyo Culimo waa weyn oo dalka si weyn looga yaqaamo ay dadka hantiilayaasha ah iyo kuwa ladan ugu baaqeen inaanay maanta waxba ka hagran dadkeena tabaalaysan ee ay hayso abaarta ba’an ee saamaysay dad iyo duunyaba, waxaanay shacabka Somaliland usoo jeediyeen in maanta loo baahan yahay in la kaalmeeyo dadkaasi si loo badbaadiyo nafahooda iyo xoolahoodaba.
Haddab Muwaadin Ka Qeyb Qaado Gurmadka Abaaraha oo Ciwaanadan U Mari Wixii aad Awoodo
Lanbarada Lagu Soo Diraaayo Lacaga Qofkastaaba Siduu Awoodo.
Zaad: 4720222
E-Dahab: 52222
Dahabshil Bank : 20500
Salaam Bank : 60186075.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa