Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxwaynihii 5aad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE oo ka kooban Hoggaanka Xisbiga, xubno ka tirsan Guddida Fulinta, Golaha Dhexe, Wasiirro hore, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo mudan kale oo ku abtirsada Xisbiga.
Kulankaas oo lagu lafo guray, la iskana waraystay arrimaha Xisbiga iyo xaaladaha guud ee dalka marayo.
Waxaana kulanka ugu dambayntii la isla qaatay oo ka soo baxay 5 qodob oo ku aadan xaaladda dalka, darder gelinta hawlaha Xisbiga, diyaargarowga doorashooyinka.
Hoos ka akhriso nuxurka qodobada
1. Dardargelinta hawlaha Xisbiga, si uu u guto waajibaadkiisa mucaaridnimo ee Dastuuriga ah.
2. In lagu qabto Shirwaynaha Guud ee Xisbiga Kulmiye wakhtigiisa, si waafaqsan Xeerka Xisbiga iyo Xeerarka dalka.
3. In Xisbigu u diyaar garoobo Doorashooyinka soo socda.
4. In Xaaladaha nabadgalyo, siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan ee maanta dalku ku sugan yahay si dhow isha loogu hayo.
5. In la dardargeliyo kaalintii mugga lahayd ee qurbo-joogto ku lahayd Xisbiga Kulmiye.
Ugu dambayn, Xisbiga KULMIYE waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqayaa in ay si mug iyo miisaan leh ugu diyaar-garoobaan ka qayb-qaadasha dabbaaldegga xuska 34 guuradda ka soo wareegtay maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May, sidoo kalena ay ilaaliyaan Qaranimada, Nabadda iyo wadajirka dalka.