Musuq-maasuq La Degay Kastamka Kalabaydh

0
1946

Kastamka magaaladda Kalabaydh oo gobolka Gabiley ka tirsan ayaa muddooyinkan danbe waxaa aad looga dayrinayaa nidaamkiisa maamulka maaliyadeed oo uu hadheeyay musuq maasuq baahsani.

Kastamka Kalabaydh, waa isha labaad ee dakhliga dalkan jamhuuriyadda Somaliland uu ka soo xeroodo.
Hase yeeshee, wuxuu waayadan danbe u gacan galay shebekad manaxeyaal maafiyo ah oo si arxan darro ah ugu tagri-falaya hantidii qaranku wada lahaa.

Dhaqaale lunsiga uu ku kacay maamulaha kastamka Kalabaydh ayaa loo aanaynayaa inuu isku halayn ka haysto koox sida maafiyadda u abaabulan oo xidhiidh dhaw la leh agaasime waaxeedyo iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Xubnahaasi oo lagu tilmaamo in ay iyagu ka danbeeyeen in Ciise Muxumed Raage, loo soo magacaabo maamulaha Kastamka Kalabaydh.

U jeedadda ay xubnahan masuuliyiinta ahi uga dan lahaayeen ayaana ahayd inuu iyaga si gaar ah u Naas-nuujiyo, isla markaana uu ugu soo xado share ama saami-qaybsi dhaqaale oo joogto ah na maalin walba cashuurta qaranka ka siiyo maamulaha kastamka Kalabaydh.

Xogo aanu helnay ayaa noo xaqiijiyay in maamulaha kastamka Kalabaydh uu maalin walba lacago malaayiin ah akaawno gaar ah oo sir ah, oo iyaga uuni ay isla og yihiin uu xubnahaasi ugu shubo.

Lunsiga cashuuraha ganacsatadda Qaadka laga qaado ee uu maamulaha kastamka Kalabaydh, iyo shaqsiyaadkan awoodaba badan leh ay wadaagayaan ayaa sababay inuu si weyn hoos ugu dhacay dakhliga lacagta maalin laha ah ee ka soo xeroon jirtay kastamka Kalabaydh.

Taasoo marka la bar-bar dhigo dakhligii ka soo xeroon jirayn kastamka Kalabaydh ka hor intii aan loo soo magacaabin Ciise Muxumed Raage, inuu dakhligu si aad ah wakhtiyadan danbe hoos ugu dhacay.

Mooganaanta wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyadda, ayaa loo arkaa mid ay ka mashquuliyeen, isla markaana ay indho sarcaadyo kale kaga daaheen xubnahan saraakiisha ah ee ka tirsan masuuliyiinta wasaaradda Maaliyadda.

Kuwaasoo wasiirka iyo agaasimaha guud mar kastoo ay isku dayaan in qy bedelaan ama xog sugan oo la xidhiidha qiimayn lagu sameeyo heerka uu marayo dakhliga ka soo xeroodda kastamka Kalabaydh, iyagu tashwiish iyo mashquulin kula kaca wasiirka iyo agaasimaha guud.

Madaxda sare ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland gaar ahaana wasiirka iyo agaasimaha guud ayaa la soo weriyay in aanay waxba kala socon musuq maasuqan uu ku kacay maamulaha kastamka Kalabaydh, ee ay dhaca hantida qaranka shuraakadda ugu noqdeen shaqsiyaadkan awoodaha gaarka ah ka haysta madaxtooyadda, iyo xubnahan ka tirsan masuuliyiinta ama agaasime waaxeedyadda wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, masuuliyiintan ka tirsan saraakiisha wasaaradda Maaliyadda ayaa dabool ka saaray ogaanshiyo la’aanta wasiirka iyo agaasimaha guud ee musuq maasuqan ay isku bahaysteen maamulaha kastamka Kalabaydh, iyo xubnahan kale.

Xubnahan awoodaha qarsoon ku dhex leh wasaaradda Maaliyadda ee boobka hantida ummada kula shuraakoobay maamulaha kastamka Kalabaydh, ayaa kala ah laba kooxood.

Kooxda koowaad ayaa ah ragg saraakiil ah xilalna ka ahya wasaaradda Maaliyadda Somaliland, balse si indho la’aan ah u fuliyo mar kastoo uga yimaadda wiilka uu dhalay Muuse Biixi, iyo kooxda shuftada ah ee la hawl gasha.
Kuwaasoo marka uu Dhabarka soo taabto, iyaguna si buuxda oo shuruud la’aan ah u fuliyo nooc kastoo amar ah oo uu ula yimaado.

Xubnahan saraakiisha ka ah wasaaradda Maaliyadda oo gacan saar la leh, isla markaana adeegeyaal idman u ah awaamiirtana ka qaata kooxda uu hogaamiyaha u yahay wiilka madaxweyne Muuse Biixi, iyo qaar kaloo ciyaallo xaafad ah oo saaxiibo la ah.

Hadaba, maadaama oo si cadaan ah uu boob ugu socdo kastamka Kalabaydh, waxaa loo baahan yahay in laga bad-baadiyo Waraabeyaashan ku shuraakoobay laba can-laynta cashuurtii muwaadiniinta reer Somaliland in adeegyadda noloshoodda aasaasiga u ah lahu kaabo ay ahayd.

Lacagta uu shaqsiyaadkani maalin walba siiyo maamulaha kastamka Kalabaydh, ayaa dhiig-bax iyo laf-jab ku ah korodhkii dakhliga dawladda dhexe.

Taasoo keentay in qiyaas ahaan 5% uu is dhimay ama hooa u dhacay dakhligii ka soo xeroon jiray kastamka Kalabaydh.

Dhinaca kale, kooxdan maafiyadda ah ee mus-danbeedka u ah maamulaha kastamka Kalabaydh Ciise Muxumed Raagge, ayaa la soo weriyay in ay yihiin shaqsiyaad macruuf ku ah musuq maasuqa, isla markaaba khubarro ku ah xatooyadda xoolaha qaranka, iyo wax is daba marinta.

Kuwaasoo caan ku ah musuqa, isla markaana ay masuuliyiinta wasaaradda Maaliyadu fasaadkoodda ay ku og yihiin dartii aan haba yaraatee marnaba wax xil ah looga magacaabin ama aan loo dhiibin meelaha ilaha dhaqaalaha ama dakhli soo saarka dalka.

Geesta kale waxaa jirta xog taa ka duwan oo ay iyana noo xaqiijiyeen dad ka tirsan shaqaalaha isla wasaaradda Maaliyadda, taasoo ah in wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi in labadooduba ay og yihiin musuq maasuqan ay isku bahaysteen maamulaha kastamka Kalabaydh, iyo xubnaha isugu jira saraakiisha wasaaradda Maaliyadda oo ah koox xulafo la ah wiilasha awoodaha badan leh ee uu dhalay madaxweyne Biixi.

Maxaa sababay dhibaatadan musuq maasuq ee la degtay ishii labaad ee dakhli soo saarka dalkeenna. Sababta keentay in agaasimaha guud iyo wasiirku ay wax ka qaban waayaan dhibaatadan ay arkayaan ee aadka u foosha xun ayay xogtu noo xaqiijisay in ay iskaga Indho qarsadeen.

Kadib markii dhawr jeer oo ay isku deyeen in ay wax ka qabtaan ay xaajadu ka socon wayday dhinaca madaxweynaha oo isaga laftiisu u muuqda inuu raali ka yahay in wiilashiisa, iyo kooxdan ah saraakiisha ka tirsan wasaaradda Maaliyadda in ay ku shuraakoobaan xatooyadda hantida qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay xaaladda kastamka Kalabaydh sidan ku sii socoto, waxaa la saadaalinayaa in keenayo in dakhliga Qaadka ka soo xeroon jiray uu Jilbaha dhulka dhigo.

Maadaama oo madaxweynihii qaranku uu raali ka yahay in wiilashiisa iyo kooxahan maafiyadda ah in ay isku kaashadeen tuugnimadan cadaanka ah ee ay ku hayaan cashuurtii laga qaaday muwaadiniinta ee ay ahayd in wax loogu qabto si siman dhamaanba bulshadda reer Somaliland.

Arrintan foolxumada ah ee ka socoto kastamka Kalabaydh ayaa noqonaysa taariikhda tii u horaysay ee nooceedda ah oo ka dhacdo xarumaha ama goobaha dakhli soo saarka dalka.

LA SOCO qoromooyin kaloo taxane ah…

Caws Binu Cowf

Jidah Sucudi Carabia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here