Qoysas Ka Soo Qaxay Colaada Deegaanka Sitti oo Ku Dhibaataysan Hargeysa

0
1237

Hargeysa (Hargeisa Press) – Hooyo Caasha C/laahi iyo afar carruur ah oo ay dhashay oo ka soo qaxay deegaanka Sitti ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhibaato dhanka nolasha ah ku wajahay magaalada Hargeysa.

Waxay ka mid yihiin boqollaal qoys oo qaxooti ahaan uga soo qaxay xadka Itoobiya, ka dib markii ay dagaalladu ka dhaceen deegaanka Sitti ee deegaanka Soomaalida.

“Waxaan nahay danyar, waxaan nahay qoysas barakacayaal ah, noloshuna way adag tahay. Ma aanan helin gargaar ama shaqo. Xaaladdeenna nololeed waa adag tahay,” ayay tidhi Hooyo Caasha oo u warantay Wargeyska Busiweek.

Waxay ka soo haajireen deegaanka Tulli-guleed oo 60 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Jigjiga, halkaasoo ninkeeda uu ahaa mas’uulkii qoyska ilaa bishii February lagu dilay colaad u dhaxeysay qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida.

Caasha, waxaa u suurto-gashay inay maalintiiba hal dollar ka urursato dawarsiga waddooyinka magaalada Hargeysa, waxaanay dukaamada iyo meheradaha ka codsanaysaa in la caawiyo.

Si kastaba ha ahaatee, bishii Augost Maayirka magaalada Hargeysa, ayaa ku amray ganacsatada in aanay wax sadaqo ah siin dadka ajnabiga ah, taasoo uu ula jeedo dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya iyo Gobolka Soomaalida.

Maayirku, waxa uu sheegay inay jiraan dad u dhashay Somaliland oo tabaalaysan, loona baahan yahay inay noqdaan kuwo ka faa’iidaysta lacagta si sadaqada ah loo siiyo dadka kale.

Caasha, waxay ka welwelsan tahay habeenka qabowga iyo kaneecada, mana heysato maro- sariir oo ay carruurta ku seexdaan. Sidoo kale wax war ah kama ayna helin qoyskeeda ku sugan Sitti shantii bilood ee la soo dhaafay.

“Xidhiidhka aan la lahaa waa lumiyay, ma garanayo sida ay yihiin, xitaa ma hubo inay nool yihiin. Rajada kaliya ee aan qabo waa inaan halkaas ka helo qof wax iiga sheegi kara. Waxaan maqlay khilaaf cusub ayaa dhacay, laakiin ma garanayo si aan ula xidhiidho,” ayay tidhi.

Dhinaca kale, Shamso Maxamed Ibraahim oo ah Hooyo kale oo leh lix carruur ah, ayaa iyaduna u qaxday Hargeysa ka dib markii ay ka soo baxsatay dagaal beeleedyo ka dhacay Sitti. Markii ay guriga ku soo laabteen, ninkeedu waxa uu ku masruufi jiray iyaga oo qabanaya shaqooyin qalafsan ilaa uu lugta ka jabo oo uu shaqayn kari waayay, halka Shamso ay haysan jirtay xoolo, dakhli yarna ay ka heli jirtay iibinta hilibka iyo caanaha.

Saddexdii toddobaad ee u dambeeyay ayay la daalaa dhacaysay oo ay ka baqaysay in laga saaro guriga ay kireysteen ee Hargeysa. Waxay booqataa makhaayadaha habeenkii goor dambe si ay u weydiisato cunto hadhaaga ah si u siiso carruurteeda. Mararka qaarkood waxaa loo sheegaa inay maydho weelka si ay ugu beddelato qashinkaas.

“Ma jirto lacag, mana awoodo inaan shaqeeyo. Aniga iyo carruurtaydu wax cunto ah maanaan helin tan iyo subaxdii, mana hubno cashada caawa. Dhibaato ayaa na soo food saartay,” ayay tidhi Shamso, oo uur leh oo inta badan dareenta caafimaad darro.

“Qofka guriga leh waxa uu na siinayaa ogeysiis guri ka saarid ah. Maxaan samayn karnaa? Saddexdii bilood ee la soo dhaafay ma aannu bixin kirada. Hadda waxaan si raaxo leh ugu noolnahay guriga, laakiin ma naqaano sida aan ku heli karno haddii nala saaro!”.

Sida ay sheegtay Hana Cabdisalaan, madaxa diwaangelinta ee Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Somaliland ee NDRA, waxay sheegtay inay dadkan caawin doonaan inta ay iska diiwaan-gelinayaan laanta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha Somaliland ee SIBC.

“Waxaa jira adeegyo loogu talagalay qoysaska qaxootiga ah, oo ay ku jiraan gargaar lacageed oo lagu taageero. Lacagtan waxaa loogu talagalay qoysaska saboolka ah ama qoysaska waaweyn. Dadka waa in la diwaan geliyo si ay u helaan gargaar, hay’adda socdaalkana waxay xaq u leedahay inay dadka u ogolaato inay dalka soo galaan,” ayay hoosta ka xariiqday.

Waxa ay sheegtay in Hargeysa ay ku nool yihiin 16,576 qof oo isugu jira Qaxooti iyo Barakacayaal. Dadka ka soo qaxay Itoobiya ayaa u badan dad da’ ah, haween iyo carruur. Waxaa kaloo jira hay’ado gargaara qaxootiga iyo qoysaska barakacayaasha inkastoo ka-faa’iideystayaasha ay weli u baahan yihiin in laga diiwaan geliyo SIBC si ay gargaar u helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here