Musharax Xigeenka Ucid Oo Walaac Ka Muujiyey Lacag Cashuur Ah Oo Uu Sheegay In Wiil Xirsi Adeer U Yahay Ka Qaado Dadka Iskaga Gudba Marinka Lowya-caddo

0
820

Hargeysa, (HargeisaPress) — Musharax ku xigeenka jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa walaac ka muujiyay Lacag badan oo Cashuur ah oo uu sheegay in laga qaado dadka iskaga gudbaya Somaliland iyo Jabuuti. Waxa uu sheegay in arintaasi culays ku tahay dadka danyarta ah Somaliland oo dano badan ka leh Jabuuti, waxaanu xukumadda ugu baaqay inay degdeg wax uga qabato.
“Waxa isoo gaadhaya cabashooyin isasoo taraya oo ah dulmi ka jira jidka Lowyacadde looga gudbo Djibouti. Dhibtaas oo ah in madaxa dadka jidka maraya laga qaado cashuur dhan 31doolar ama ha sito passport ajnabiya ama yaanu sidan eh. Taasi waxay culays ku haysaa danyarta ka adeegata jidka iyadoo la ogyahay in inbadan oo deegaanka ah ay biilkooda ka helaan Djibouti isu socodka deegaankuna yahay daruuri.
Cashuurtan madax tiriska ahi maaha mid ku dhacda dadka isaga goosha SL iyo PL. Cashuurtan waxa lagu waramayaa in uu qaado wiil uu Xirsi adeer u yahay oo aan Amar ka qaadan cid kale. Marinka Togwajaale Cashuurta dal kugalka ama bixintu waxay ku dhacdaa qofka sita passport kale oo qudha.
Dulmigaasi waxaa loo baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto. Wolow ay baryahan dambe caado noqotay in xukuumaddii iyadu ilaalin lahayd ay hormood ka tahay arrimo abuuraya Amni darro iyo kacdoon shacbi.
Xukuumadda waxa looga fadhiyaa in ay jawaab degdeg ah ka bixiso arrintaa waxna ka qabato.” Ayuu ku yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan Qoraal uu arintan ka soo saaray.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here