Mid ka mida Dirawalada Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland, Wiil Uu Dhalay Iyo Sadex Kale Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur + SAWIRRO

0
1005

Berbera, (HargeisaPress) —Shil baabuur oo maanta ka dhacay deegaanka Dacar-budhuq ee gobolka Saaxil, ayaa waxa ku dhaawacmay lix ruux.
Shilka Baabuur oo haleelay gaadhi ka mid ahaa wefti uu hoggaaminayey Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Saylici oo ku sii jeeday Magaalada Burco, ayaa lixda qof ee dhaawacmay waxa ku jira wiil uu dhalay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Dirawalkii gaadhiga Madaxwayne ku xigeenka, Sawir qaade la socday Weftiga iyo saddex qof oo kale.

DSC03300
Shilka ayaa waxa uu ka dhashay gaadhi Rakaab ah iyo gaadhi ka mid ah weftiga Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo isku dhacay, markii weftiga Madaxwayne ku xigeenku marayeen degmada Dacar-budhuq oo ah jidka u dhexeeya Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

DSC03298
Shilka oo dhacay abbaaro afartii galabnimo ee maanta ayaa waxa dadkii ku dhaawacmay la keenay loo qaday Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, si xaaladdoooda loola tacaalo.

DSC03295
Shilkan khasaaraha keenay ayaan waxba ka beddelin ujeeddadii weftiga Madaxwayne ku xigeenka, waxayna iska sii wateen hawlahoodii shaqo ee ay u socdeen. Laakiin Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo HargeisaPress.com la hadlay ayaa dhambaal Duco ah hawada u mariyey dadka dhaawacu ka soo gaadhay shilkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here