Muqdisho (HP): Waxaa maanta is-afgarad laga gaadhay murankii muddooyinkanba ka taagnaa arrimaha doorashooyinka ama soo xulista xildhibaanadd alaba aqal ee goboladda Woqooyi ee dalka Soomaaliya.
Murankaasi oo u dhexeeyay raysal-wasaare ku-xigeenka dawladda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, iyo guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi.
Xalinta heshiiskani waxaa ka shaqeeyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, kaasoo ku guulaystay in la soo af-jaro kooxaysigii iyo khilaafkii u dhexeeyay labadaasi masuul.
Waxaanay halkaasi ku kala saxeexdeen raysal-wasaare ku-xigeenka dawladda federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya, oo uu wehelinayay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.