Muqdisho: Qarax ka dhacay goob lagu daawanayay ciyaartii England iyo Spain

0
1243

Muqdisho (Hargeisa Press)- Qarax xoogan, ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga taallada Daljirka Dahsoon, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa, ayaa ka dhacay Makhaayad lagu magacaabo Top Coffee, xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo ka daawanayay ciyaartii finalka ee Koobka qaaradda yurub ee u dhaxaysay Xulalka England iyo Spain.

Waxaa lagu soo waramayaa in qaraxa loo adeegsaday Gaadhi ay Ururka Al-shabaab ku soo rareen waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay banaanka makhaayada, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Booliska Soomaaliya.

Warbixinta booliska Soomaaliya waxaa lagu sheegay in 5-qof ay ku geeriyoodeen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale waxaa jira gaadiid iyo goobo ganacsi oo ku burburay qaraxa, waana socota qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas.

Makhaayada, ayaa gubatay, kadib markii uu qabsaday dab ka dhashay qaraxa, dad badan ayaa makhaayada ku sugnaa, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro.

Marka laga yimaado khasaaraha gaadhay dadkii ku sugnaa makhaayada la weeraray, wuxuu khasaare badani soo gaadhay dad saarnaa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayay jidka, gaar ahaan laamiga isku xidha isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ka badbaaday qaraxaas, ayaa sheegay inay arkayeen dadka dhulka yaalla oo qaraxu saameeyay, balse ayna kala cadayn karin inay dhinteen, inay dhaawac ahaayeen iyo inta ay tiradoodu dhamayd toona.

Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, ayaa socday saacado, waxaana lagu guuleystay in la deminayo dabkii weynaa ee ka dhashay qaraxa, kaas oo makhaayada qabsaday.

Xaaladda aagga uu qaraxaasi ka dhacay, ayaa noqotay mid aad u kacsan, waxayna ciidamadu ridayeen rasaas argagax ku sii riday dadkii gurmadka fidinayay, qaraxan wuxuu ku soo beegmaya iyadoo 24 saacadood ka hor uu Xabsiga Dhexe ee Xamar ka dhacay weerar toos ah oo maxaabiis Al-Shabaab ah oo dil ku xukuman ay fuliyeen.

Sidoo kale, halka uu qaraxani ka dhacay, ayaa ah goobtii 2021 lagu qarxiyay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay makhaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo caawa iyana la beegsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here