Laascaanood (HP): Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta lagu qabtay munaasibad lagu xusayay 61 guuradda ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadeedda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska 26-kii June 1960-kii.
Munaasibadaasi oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Sool waxaa ka soo qayb galay badhasaabka gobolka C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarkii hore ee Laascaanood.
Taliyaha qaybta booliska Sool, saraakiil kale oo ciidan, madax dhaqameed, aqoon yahano, siyaasiyiin.
Xubno ka tirsan golaha deegaanka cusub ee degmadda Laascaanoo, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.
C/qani Maxamuud Jiidhe, guddoomiyaha gobolka Sool oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa sheegay in loo duceeyo geesiyaashii bilawga u ahaa halganka ee Dariishta iyo gobonnimo doonadii ka danbbeeyey.
Waxaanu yidhi, “Waxaan maanta munaasibad meeqaam sare leh ku xusnay oo ku waynaynay 61-sanno guurada ka soo wareegtay dharaartii gùumaystihii Ingiriiska aynu xorriyadda ka soo ceshanay 26, Jun, 1960-kii.
Munaasibaddan waxaanu ku xusnay oo ugu ducaynnay geesiyaashii bilawga u ah halganka ee Dariishta iyo gobonnimo doonadii ka danbbeeyey”.
“Mar kele hanbalyo diirran, dhammaan ummadda Somaliland, nabad, horumar iyo guulo waaweyn Rabbi ha inagu gaadhsiiyo xuska sannadka danbe insha allah” ayuu yidhi badhasaabka Sool.
Geesta kale, badhasaabka Sool ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyay oo uu sheegay in mudadii uu talladda dalka hayay inuu hirgeliyay dhacdooyin taariikhiya.
Sida doorashadii sidkanayd, maalgellinta iyo horumrinta BerBera, kor u qaadista xidhiidh dibadda si ictiraaf rasmiya loo gaadho.
Waxaanu yidhi, “Maalin tariikheedkan Somaliland, anoo ka faa’iidaysanaya waxaan bogaadinayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Abdi, oo dhacdooyin taariikhiya hirgelliyey sida doorashadii sidkanayd, maalgellinta iyo horumrinta BerBera, kor u qaadista xidhiidh dibadda si ictiraaf rasmiya loo gaadho”.
DAAWO: KHUDBADII BADHASAABKA SOOL EE MUNAASIBADAASI:
https://youtu.be/W8dwpS0LRdk
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.