Hargeysa (Hargeisa Press)- Mulkiilaha shirkaddaha MSG GROUP Maxamed Aw Siciid Geedi oo ah Ganacsade weyn oo u dhashay dalka Somaliland, ayaa waxaa uu baaq nabadeed ka soo saaray colaadda ka taagan deegaanada Qorilugud iyo Buuhoodle.
Bayaan uu soo saaray Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada HargeisaPress, ayaa waxaa uu dhinacyada walaalaha ah ee colaaddu dhexmartay, uu ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka.
Ganacsadaha shirkaddaha MSG Group, ayaa wuxuu dhinacyada walaalaha ah ugu baaqay inay wadahadal iyo xasilooni ay ku bedelaan colaada.
Waxaa uu sidoo kale dhamaan bulshada xilkaska ah ee uu ugu baaqay in laga shaqeeyo nabadda oo ay doorkooda qaataan.
“Aniga oo ah ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi waxaan baaq nabadeed u dirayaa dhinacyada walaalaha in ay Dagaalka joojiyaan, kuna beddelanaan wadahadal iyo xasilooni.
Dhinaca kale dhammaan bulshada xil-kaska ah waxa aan ugu baaqayaa in laga shaqeeyo nabadda oo ay doorkooda qaataan.” ayuu Ganacsade Maxamed Aw Siciid ku yidhi bayaanka uu soo saaray.