Mujaahid Ibraahim-dhegaweyne Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa

0
1365

Hargeysa, (HargeisaPress) — Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), ayaa si adag u dhaliilay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, waxaanu wax laga damqado ku tilmaamay dekedda Berbera oo uu sheegay in la iibinayo.

 

Mujaahid Ibraahi, oo shalay hadal kulul ka jeediyay madal ay isugu yimaadeen salaadiinta Subeer Awa loo lagaga hadlayay salaadiinta iyo madaxda dhaqanka ee toddobaadkii hore xukunka lagu riday, waxaanu Ibraahim dadka ugu baaqay in la joojiyo bixinta cashuurta.

 

Wuxuu Mujaahid Ibraahim yidhi  “Doorashadii dawladaha hoose meel walba saw wixii la doono lagama samayn. Guryihii iyo hantidii umadu lahady waa la boobay, waad aragtaan meel aan la iibinayni ma jirto, imika Berbera ayaa loo socdaa in dekedii la iibiyo.”

 

Wuxuu intaas raaciyay “Arrimaha guri hoostii iyo mikirfoon yar oo aan ka hadalno kuma dhamaanayaan, xalna lagaga gaadhi maayo, ninkii taas ku biyo caboow waad riyoonaysaa, waa in laga durkaa, cashuurta waa in la joojiyoaa. saw ima maqlaysaan, mudahraad aan kala go’ lahayn waa in la sameeyaa.” ayuu yidhi Mujaahid Dhegaweyne oo si kulul u dhaliilay Madaxweyne Siilaanyo iyo hoggaamintiisa.

 

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu talada gacanta u geliyay wasiiro uu adeer u yahay oo uu ka magacaabay wasiirada madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo hawlaha guud Cali Maxamed Xasan.

 

Waxa iyaguna madasha khudbado ka jeediyay Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo aqoonyahano kale oo soo bandhigay tabasho ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo isugu jira tabasho siyaasadeed iyo mid deegaanba.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here