Hargeysa, (HargeisaPress) —Dadweyne u badan Dhalinyaro oo iskood isku soo abaabulay ayaa maanta Mudaharaad ka dhigay Magaalada Hargeysa. Mudaharaadka ayaa ahaa mid lagaga soo horjeedo Sawirada Nabigeenna Suuban NNKH wax lagaga sheegay ee Wargeyska faransiisku faafiyay.
Dadka isku soo baxay ayaa ku dhawaaqayay ‘Allahi Akbar ama Illaahay baa Wayn’ waxaanay siteen boodhadh lagu xardhay Naftaada U Hur u Hiilinta Nabiga iyo Diinta Islaamka iyo waliba “Haddii Xarriyaddiina hadalku sidaas tahay,idinkuna u adkaysta Xorriyadda Ficiladayada”.
“Waxaanu Nahay dhalinyaro ka dhiidhiday Nabiga(CSW) la caayay ee Dadkaas xun ee Gaaladda ahi caayeen ee Hadalada iyo sawirada foosha xun ka sameeyeen. Waxa kale oo aanu leenahay dhalinyarada iyo dadka waaweyn ee Nabiga Caaya Illaahay ka baqda Nabigana Adeeca” ayaa ka mid ahaa hadalka ay warbaahinta u sheegeen Dadka Mudaharaadka dhigayay.
Sidoo kale waxay sheegeen in Boolisku qaarkood xidhay, inta kalena Qasab ku kala kaxeeyay “Wuxuu ahaa Banaan bax nabadgalyo ah oo aanan waxba samayn,waxaa qasab nagu kala kaxeeyay Booliska oo qaarkayana xidhay qaarna eryaday,waxaanu samaynayna ma jirto, xukumadda waxaanu leenahay idinkaa nagaga haboonaa inaad Nabiga(CSW) u dhiidhidaan”