Madaxweynaha Dalka France oo Shaaciyay in aysan doonayn Dagaal Diimeed –

0
778

Paris, (HargeisaPress) —Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande ayaa sheegay inuusan marnaba aqbalayn inay argagaxisada dabin ugu dhacaan oo dalkiisu uu faraha la galo dagaal diimeed.

Hollande ayaa hadalkan jeediyay xilli dibad-baxyo ka dhanka ah Faransiiska ay ka socdaan dalal badan oo dunida Islaamka ka tirsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Soomaaliya, Yemen, Niger, Pakistan iyo dalka Nigeria oo ay ka dagaalanto kooxda Boko Haram.

Dibad-baxyadii ugu ballaaran ayaa waxay ka dhacayaan Niger oo lagu gubay toddobo kaniisad lagu gubay, iyadoo Francois Hollande uu sheegay in Faransiisku weligiiba uu ahaa dal calmaani ah oo u furan diimaha oo dhan.

“Shacabka France oo dhan waxaan ugu baaqayaa inay midoobaan oo ay ku dheggenaadaan mabaa’diida dalkooda,” ayuu yiri madaxweynaha France Francois Hollande.

Bannaan-baxyada ka dhacay caasimadda dalka Nigeria ee Niamey ayaa waxaa ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid maal intaba, iyadoo dadka dibad-baxyada dhigaya ay dab qabad-siiyeen kaniisado; isla markaana jeex-jeexay nuqullo ka mid ah bayballadii yaallay.

Mudaaharaadayaasha ayaa arrintaasi uga jawaabaya daabacaadda sawirro uu wargeyska Charlie Hebdo ku afla-gaadeeyay Nebi Muxamed (NNKH), taas oo saameyn xooggan ku yeelatay dunida Islaamka ah oo dhan.

Baadari lagu magacaabo Zakaria Jadi oo kaniisaddiisa la gubay ayaa BBC-da u sheegay in waxba aan looga tagin meesha; isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatooyinka.

Dhanka kale, dibadbaxayaal ka careysan afla-gaadeynta Nebigeenna NNKH ayaa iyaguna shalay dibadbax weyn ka dhigay Muqdisho, iyagoo uga digay dalalka reer galbeedka inay kuwa falalkaas oo kale sameynaya iska qabtaan.

Si kastaba ha ahaatee, Caalamka Islaamka ayaa si isku mid ah uga carootay afla-gaadadii uu Nebi Muxamed (NNKH) u geystay Wargeyska Charlie Hebdo kaasoo ay weerareen laba wiil oo walaalo ah, ayna ku dileen 12-qof oo ay ku jiraan siddeed suxufi oo ka howlgalayay wargeyskaas.

 

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here