Midowga Yurub oo Ka Hor-yimid Xukunadii Dilka Ahaa Ee Ay Somaliland Fulisay

0
895

Hargeisa (Hargeisa Press)- Midowga Yurub ayaa si adag uga hor-yimid xukuno dil ah oo ay shalay fulisay Xukuumadda Somaliland.

Nicolas Berlanga Martinez, Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa war ka soo saaray xukunadii dilka ahaa ee ay Somaliland ku fulisay Lix maxbuus.

Nicolas ayaa sheegay in Midowga Yurub uu si adag uga soo horjeedo xukunada dilka ah ee qisaasta, kaasi oo lagu fuliyo dadka geysta dilalka ee lagu heshiiyo in loo dilo dambiilaha.

Safiirka ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, kaasi oo u dhigna sidan:-

“Amniga, Doorashooyinka, Dayn cafinta, sharciga oo lagu dhaqmo, horumarka… dhammaanteen waan ognahay tirada dhibaatooyinkaas si loo soo afjaro”.ayuu yidhi Nicolas Berlanga.

Wuxuuna intaas kusii daray Safiirku “Midowga Yurub wuxuu meel adag ka taagan yahay oo uu ka soo horjeedaa mabda’ ahaanba qisaasta mar walba”.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay xukuno dil toogasho ah ku fulisay Lix maxbuus oo ay sheegtay inay hore u geysteen dilal kala duwan, isla markaana ay maxkamadi ku xukuntay dil toogasho.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here