Maxkamadda Sool Oo Xukunno Ku Riday Ragg Khamri Soo Geliyay Laascaanood

0
474

Laascaanood (HP):Maxkamadda gobolka Sool ayaa shalay xukuno kala duwan ku riday saddex nin iyo gaadhigii ay wateen oo si sharci daro ah maandooriyaha Khamriga u soo galinayay gobolkaas.
Waxaana xukunkaas goob joog ka ahaa maamulka gobolka, taliska booliska ee gobolkaas, ka degmada Laascaanood iyo masuuliyiinta maxkamadda Sool.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sool Cali Saleebaan Maxamuud, ayaa faahfaahiyay xukunnada ay maxkamadda gobolku ku riday raggas iyo khamrigaas sida sharci darada ah lagu soo galinayey gobolka Sool.
Khamrigaasi oo cadadkiisu dhamaa laba Foosto iyo afar Dhalo.
Waxaanu guddoomiyaha maxkamadda gobolku sheegay in saddexdii nin ee Khamrigaas lagu soo qabtay lagu xukumay isla maanta ba midkiiba saddex sanno oo xadhiga ah iyo ganaax lacageed oo dhan saddex milyan oo Somaliland shillin ah.
Halka gaadhigii siday Khamrigaas lagu xukumay qiimihiisa guud boqolkiiba shan 5%.
Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay xubno ka mid ah odayaasha, culimada iyo waxgaradka gobolka Sool oo bogaadiyey ciidanka booliska gobolkaas oo ay sheegeen in ay hawlgalo is-dabajoog ah ku soo qabqabanayaan dadka ku hawlan waxyaabaha bulshada lagu dhibaataynayo ee uu khamrigu ka mid yahay.
Iyagoo taliyaha qaybta ee gobolka Sool ka codsaday in ciidankaas lagu abaalmariyo wixii ay xaq u leeyihiin.
Maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, oo goobtaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay in khamrigaas looga danlahaa in bulshada lagu dhibaateeyo naftooda iyo maalkoodaba.
Maayarka ayaa u mahadceliyey taliska booliska ee gobolka Sool iyo guud ahaan ciidanka booliska ee gobolkaas.
Dhankiisana waxa halkaas ka hadlay taliyaha qaybta ee ciidanka booliska gobolka Sool, gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Gooni, oo sheegay in guud ahaan ciidanka booliska ee gobolkaasi ay ku hawlan yihiin hawlgalo ay ku soo qabqabanayaan cidkasta oo faraha kula jirta wax bulshada waxyeelo u geysanaya.
Isagoo intaas ku daray in shacabka gobolka Sool ay si wanaagsan ula shaqeynayaan ciidanka booliska la’aantoodna ay waxba u qabsoomeen.
Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa bogaadiyey maxkamadda gobolka Sool sida deg-dega ah ee ay xukunka ugu riday ragas khamriga lagu soo qabtay.


Waxaanu ammaan iyo hambalyaba u soo jeediyey ciidanka booliska ee gobolkaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin madaaleyaal dhexda u xidhay in ay bulshadooda u adeegaan.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here