Maxkamadda Oo Maanta 14 Qof Oo Saddex Ka Mid Ahi Madax-Dhaqameed Yihiin ku Xukuntay Xadhig Iyo Ganaax Lacageed Oo Kala Duwan.

0
897

HARGEISA , (HargeisaPress) —Maxkamada gobalka Hargeysa ayaa maanta soo gabagabaysay dhagaysiga dacwada salaadiin, mujaahidiin, cuqaal iyo dhallinyaro loo xidhay xiisada xaasaasiga ah ee ka taagan waqooyiga magaalada Hargeysa.

 

Afar iyo Toban eedeysane oo ay saddex madax dhaqameed ku jiraan, ayay maanta Maxkamada wareegta ee gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah midkiiba iyo inay bixiyaan min hal milyan oo Somaliland shilling ah. Eedeysanayaasha ayaa markii hore ahaa 17-qof, waxaana maxkamadu sheegtay inay dambi ku wayday saddex ka mid ah,waxaanay dambi ku heshay 14-ka qof ee kale oo ay sheegtay maxkamaddu inay ku Caddaatay Dambigii loo haystay, taasina ay keentay in midkiiba lagu xukumo saddex sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed.

 

14-kan ruux, ayaa lagu eedeeyey inay weerareen goob diiwaangelintu ka socoto oo ku taala degmada Sabawanaag oo hoos-tagta Lug-haya, hase yeeshee waa deegaan ay isku haystaan gobolka Maroodi jeex iyo gobolka Awdal, kuwaas oo isku haysta gobolka hoos tagaan.

 

Sidaas darteed, saddexda madax-dhaqameed iyo kooxdan la socotay ayaa lagu eedeeyey in ay weerareen goobtaasi, isla markaana ka qaateen qalabkii yaalay, iyagoo ku andacoonaya in la raaciyey goobtaasi gobol aanay hoos tagin. Garsoore Axmed Dalmar oo isagu dacwada qaadayay ayaa ku dhawaaqay go’aankii xukun eee maxkamadda, waxaana 14-kan eedeysane lagu xukumay saddex sano oo xadhig ah iyo hal milyan oo Somaliland shilling ah, halka saddex kamid ah wax dambi ah lagu waayey.

 

Hase yeeshee, Garyaqaannada u doodayay eedeysanayaasha oo kala ah; Garyaaqaan Xasan Cali Xasan, Cumar Abiib, Jaamal Xuseen Mandeela iyo Mahad Cabdi dhamaantood, ayaa sheegay in go’aankaasi maxkamaddu soo saartay ka xun yihiin, isla markana ay racfaan ka qaadanayaan.

 

Ugu dambeyn, Waxay sheegeen in eedeysanayasha kiiskooda lagu qaaday gobol aan ahayn kii ay joogeen,isla markaana sheegay in xukunku ahaa mid siyaasadeed oo aanu ahayn mid si sharci ah u dhacay.

 

Dadkan ayaa loo haystaa weerar dhawaan loo gaystay goob diiwaangelineed oo ku taala dhul ay ku muransanyihiin gobalada Maroodi-jeex iyo Awdal.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here