Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Xukuno Kala Duwan Ku Ridey Malxiisaddii ninka Noqotay,Aroosaddii Uu La Socday Iyo Gabadh Kale Iyo Xukunada Lagu Kala Ridey

0
1104

Hargeysa,(HargeisaPress) — Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa xukun kala duwan ku ridey Malxiisadii ninka noqotay iyo Aroosaddii uu la socday iyo gabadh kale kuwaas oo maalmihihi u danbeeyey dacwadoodu ka socotay maxkamadda gobolka Hargeysa.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa fadhi ay ka yeelatay shalay kiiskan oo ahaa mid noociisu ku cusub yahay Somaliland isla markaana bulshadu aad ula yaabtay hadal haynteeduna aad u badnayd ayaa waxay kasoo saartay maxkamaddu go’aan xukun rasmi ah oo aan loo soo bandhigin warbaahinta .

Hase’yeeshee sida ay wararku kusoo gaadhayaan HargeisaPress maxkamadda gobolka maroodi-jeex ayaa xukuno kala duwan ku ridey eedaysanayaashan mudooyinkii u danbeeyey kiiskoodu maxkamadda hor yaalay isla markaana ay bulshadu aad u hadal haysay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in maxkamaddu ay ku xukuntay Aroosaddii ninku u noqday malxiisadda Laba Sanno oo xadhig ah,halka ninkii Malxiisadda ahaa ee gabadha iska dhigayna lagu xukumay Hal Sanno iyo Lix Bilood oo xadhig ah,waxaana sidoo kalena wararka na soo gaadhayaa ay sheegayaan in maxkamaddu ay xukun ku ridey gabadh lagu soo eedeeyey inay gacan siisey .

Falkan ay sameeyeen eedaysanayaashani ayaa ahaa mid aan noociisu hore uga dhicin Somaliland isla markaana bulshadu aad u hadal haysay,waxaana ay maxkamaddu kiiskan kasoo saartay xukuno kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here