Maxay ka wadahadleen Wasiirka Macdanta Somaliland iyo Shirkadda Emirates Industrial?

0
1115

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Abdilahi Faarax Abdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Shirkadda  Emirates Industrial Laboratory, oo ah shirkad maalgashato ah oo ka socda dowladda Imaaraadka Carabta.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Wasaaradda Tamarta, ayaa waxaa Wasiirka ku wahelinayay Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Siciid Axmed Jibriil iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maxamed Cismaan Saciid.

Wasiirka iyo Shirkadda, ayaa waxaa ay kulankooda si qoto dheer ugaga wadahadleen arrimo ku aadan maalgashiga iyo macdanta dalka.

Shirkaddan laga leeyahay Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa ay danaynaysay inay maalgashi ku samayso Macdanta kala duwan ee dalka Somaliland.

Sidoo kalena ay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ugala shaqayn lahaayeen sidii loo hormarin lahaa laabka macdanta lagu baadho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here