Madaxweyne Biixi iyo James Swan oo ka wadahadlay xaaladda gobolka

0
2190

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan oo dalka Somaliland booqasho ku yimi.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka arrimaha Gudaha  Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta qaranka  Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Wasiir ku xigeenka arrimaha Dibadda, Rooda Jaamac Cilmi.

Waxaa dhinaca Ergeyga kulanka ku wehelinayay saraakiil xafiiskiisa ka tirsan oo ay ka mid yihiin Obinna Okamgba, Nikolai, Dana Palade, Ahmed Qalinle, Dahir Mohamed Dahir, Mustafa Khaire.

Kulankan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa waxaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee dalka Somaliland ku soo foolka leh ee la qorsheeyay inay dalka ka dhacaan 13-ka bisha November ee sannadkan 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here