Maxay ka wadahadleen Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya?

0
1328

Djibouti (Hargeisa Press)- Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Soomaaliya, ayaa waxaa ay maanta ku kulmeen aqalka Madaxtooyada ee dalka Jabuuti.

Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la sheegay inay ka wadahadleen xidhiidhka labada dal, sida lagu sheegay war ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, warar hoose, ayaa tibaaxaya in ay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka wadahadleen heshiiska iskaashi ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

Qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagu sheegay inay Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle ka wadahadleen dagaalka Al-Shabaab, bixitaanka ATMIS, qorshaha difaaca badda Soomaaliya iyo fursadaha lagu sii xooji karo xidhiidhka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Geelle iyo Xasan, ayaa isku aragti ka ah heshiiskii dhanka badda ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo kulankoodanna uu ku soo beegmayo xilli weli ay taagan tahay xiisaddii ka dhalatay heshiiskaasi.

Hoos ka akhriso qoraalka

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka qotada dheer ee ka dhaxeeya dalalkooda iyo sare u qaadista iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin amniga iyo dhaqaalaha Kulanka oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyadoo la tixgelinayo xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee hadda taagan. Labada hogaamiye ayaa isku raacay in la xoojiyo wadashaqeyntooda si wax looga qabto caqabadaha gobolka iyo xaqiijinta horumar waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ku bogaadiyay Madaxweyne Geelle doorka muhiimka ah ee uu ka qaatay nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika. Waxa uu carabka ku dhuftay muhiimada ay Djibouti u leedahay xasiloonida gobolka waxa uuna muujiyay sida ay uga go’an tahay in uu si dhow ula shaqeeyo madaxweyne Geelle si loo gaadho hadafyada guud.

Wadahadaladu waxay hoosta ka xariiqayaan sida ay uga go’an tahay labada waddan inay kor u qaadaan iskaashigooda iyo inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta gobolka. Heshiska hoggaamiyeyaasha ee lagu xoojinayo dadaalladooda wadajirka ah ayaa astaan ​​u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday Geeska Afrika oo ammaan iyo barwaaqo ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here