Maxaad Ka Taqaanaa Taariikh Nololeedka Chief Caaqilaxmed Cabdilaahi Faarax (Cidhib Barako Leh ) Alle Ha U Naxariistee ? W/Q:-MAXAMUUD CARAB CABDU ( SABUUB)

0
1399

Eebbe ha u nuuriyo qabriga  oo ha naxariisto cheif Caaqil axmed cabdilaahi faarax (Cidhib Barako leh) oo 27 jun 2016 ku geeriyooday magalada Hargaisa,  waxuu ka mid ahaa caaqilku Madax-dhaqameed laga wada garanayo gayiga iyo gobolada  Soomaaliland  iyo  dhamaanba dhulwaynaha somaliyeed.

 

Cheif Caaqil Axmed cabdilaahi faarax (Cidhib Barako leh ) waxa uu dhashay Sannadkii 1914  , sannadkaasi oo ku xardhanaa tariikh ma guurta ah oo ahayd xilligii dagaalkii kowaad ee adduunka uu bilaabmay , isagoo wakhtigaasi ku dhashay hargaisa  gaar ahaan toga qalalan ee kala qaybiya magaalada Hargaisa  , halkaasi oo ay qoyskoodu  xoolo dhaqato iyo reer guuraa ku degenaayeen agaggaarka togga  oo waayadii hore loo yiqiin togga Herer.

 

Alle ha u naxariistee cheif Caaqil Axmed cabdilaahi  Faarax waxa uu lahaa Naanays  uu ku caanbaxay dadkuna ay u yaqaaneen taas oo ahayd

( Cidhib Barako leh) , micnaha iyo murtida ay xanbaarsantahay Naanaystana ay ahay hal qabsi uu markasta ugu hal cellin jiray cidkasta oo uu la kulmo ama uu arko wuxuna ku odhan  cidhib Barako leh , qof walba oo salamana waxaa uu Ku odhan jiray Awwoowo Cidhib Barako leh siddaas ayay ugu baxday  Naanaystaa caanka noqotay.

 

Cheif caaqil axmed cabdilaahi faarax (cidhib barako leh) waxaa hooyadii la odhan jirray faadumo sheekh xujaale

 

Alle ha u naxariisto caaqil axmed cabdi lahai faarax (Cidhib Barako leh) waxa uu guursaday Afar Xaas  marwadiisa  ugu horaysay waxaa la odhan jiray Raaxo  oo waa ay dhimatay.

 

Waxaa Ku xigtay  faadumo xuseen muxumed oo nool waxaana ay dhashay  Shan hablood iyo laba inan,  inan ayaa ka dhintay alle ha u naxariistee.

Waxaa ugu Wayne saado axmed,  sahra axmed,    run axmed ,yuusuf axmed,   Cali axmed  waxaa Ku xiga   raxma axmed iyo  amran axmed.

 

Waxaa Ku xigtay cibaado cabdi  cilmi Waxay dhimatay sanadkii 2014kii    waxay iyaduna ay u  dhashay caaqilka alle ha naxariistee  seddex inan mid waa dhintay labana waa noolyihiin  waxaa nool maxamed Axmed, cabdiqaadir axmed  Iyo  laba hablood oo kale ah   sacda Axmed iyo khadra   Axmed.

 

Waxaa Ku xigay   maryam  sheekho oo ugu dambaysay  marwooyinkaasa   oo iminka nool inkastoo aanay wada joogin balse Qiyaas ahaan waxaa uu fasaxay caaqilku alle ha u naxariistii muddo lagu qiyaaso 25sanno ka horr sidda aan kasoo xigtay tafiirta Qoyska caaqil axmed cabdilahi faarax (cidhib barako leh) .

 

Guud ahaan wadarta awlaada cheif caaqil Axmed cabdilaahi faarax (cidhib barako leh) waxay Noqonaysaa 12 carrura  waxaan nool  10  qof

 

Guud ahaan waxaa ka farcamay 240 oo ku abtirsada tafiirta cheif caaqil axme cabdilahi faarah (cidhib barako leh)  .

 

Waayihiisa dhallaanimo waxa uu ku Qaatay hargisa oo wakhtigaasi  cidlo ahayd halkaasi oo uu ku raaci jirray maqasha iyo Geella  gaar ahaan meesha hadda loo yaqaan fooqa jajabka ee dooxa xigta .

 

Caaqil axmed cabdilaahi faarax(cidhib barako leh) waxa uu ahaa nin farshaxana oo qora Kooraha ,  qabaalka, mooyaha,  kalaxa, quddaha, fandhaalka, dhakalka (doobi qori), dhiil qori, koorta, iyo samayda/ waranka, buddadka, gaashaanka, toorreyda, gamuunka iyo qaansada Iwm

 

Waxaa kaloo ka mid ahaa farsamooyinka uu yaqaanay caaqil axmed cabdilaahi faarax alle ha u naxariistee  ee xirfada uu u lahaa   dawliga, iyo yeesha,  oodidda, sahaminta, raacidda , waraabinta,  Nabadayta wuxuuna Aqoon durugsan u lahaa dhulka wuxuuna ahaa Dad yaqaan,  Degaan yaqaan iyo Dal yaqaan .

 

Marxuum axmed cabdilahi faarax (cidhib barako leh) waxa uu ku xusanyahay buug ay Qortay gabadh u dhallatay Dalka Canada oo layidh margate laurence  ,buugaasi  oo magaciisa layidhaa Koortii hashii Nabiga NNKH , ( “The Prophets camel  Bell” ?

 

NB Qormooyinkeena kale ayaynu kaga sheekaynaynaa buugaasi haddii alle idmo.

 

Marxuum caaqil axmed cabdilaahi faarax (cidhib barako leh) isaga oo aad u da,yar ayaa aabihii caaqil cabdilaahi faarax uu dhintay waxaana loo cumaamaday xilka caaqilnimada caaqil axmed cabdilahi faarax (Cidhib  Barako leh) isaga oo qiyaas ahaan 30 gu’ jirra  wakhtigaasi

 

Maxaa lagu xasuustaa cheif caaqil axmed cabdilaahi faarax ( cidhib barako leh)

 

Alle ha u naxariisto caaqil axmed cabdilaahi faarax waxaa lagu  xasuustaa   waxa uu ahaa qof  cibaadado badan waxa uu kici  jiray  saqda dhaxe  waxaanu tukan jiray  sallatul laylka isagoo siddoo kale   u ducayn jiray  dadka oo dhan wixii islaaama  wixii ehela wixii qaraabo ah dhamaantood .

 

wax adduun dhaqday majirin ama uu ifka kaga tagay   sabatoo ah waxa uu  masaakiinta iyo dadka tabalaysan u qaybin jiray waxa soo gala waxuuna  odhan jiray adduunku waxba ma taro waxaa  loo  shaqaystaa  aakhiro .

 

Waxaa kaloo lagu  xasuustaa dharka loo keeno xilliyada munaasibadaha ee  hadiyad ahaan  loogu keeno waxaa uu  siin jiray dadka danyarta ah .

 

Sida uu ii sheegay wiil uu awoow u ayahay alle ha u naxariistee caaqil axmed cabdilahi faarax  (cidhib barako leh) oo layidhaa  mubaarig Waxaa  shandadiisa  laga soo saaray macawis iyo shaadh, go ‘shaala  iyo  cumaamad

Waxaa magiiciisa la odhan jiray (cidhib Barako leh) qof walba oo salama waxaa uu kuu odhan jiray  Awwoow cidhib baarako leh

 

Waxa uu siddoo kale mubaarig oo uu caaqilku awwoow u ahaa alle ha u naxariistee ii sheegay in uu caaqil axmed  cabdilahai farax cidhib barako leh uu mushaharkiisa u bixin jirray saddaqo.

 

Alle ha u naxariistee  caaqil axmed cabdilaahi faarax (cidhib barako leh ) waxa lagu  xasuustaa muu qaadan jirrin  laaluushka sida ay shegeen dadkii asxaabta ay ahaayeen   kamanuuna  laaban  jirrin waxiii  run    ah ee la gudboon

Waxaa uu kaso shaqeeyay  doorkii nabadayntan iyo dib u dhiska somaliland   waxaa uu door laxaad leh ka qaatay nabadayntii dadka iyo dib u dhiskii dalka  isaga oo aan marnaba   noqonin  mucaarid waxaanu odhan jirray mucaaridadu waa in wax lagu toosiyo ee maaha in wax lagu dumiyo muu la dhacsanayn mucaaradada fadqalalada iyo dagaalka dhasha ee mucaaridku hogaaminayo ama dad gaari wataan .

 

 

Waxaa had iyo jeer afkiisa kasoobixi jirray ereyadan

 

ilaahay waa  midd.

Isagaa  mudanoo

isagaa mahad leh

soof xalaaliyo sahay aakhiro

Waa kalmadihii afkiisa aan ka bixin jirin

 

Alle ha u naxariis cheif caaqil axmed cabdilahi faarax (CIDHIB BARAKO LEH )

 

Lasoco Qaybta labaad

W/Q:-MAXAMUUD CARAB CABDU ( SABUUB)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here