Maxaa lagaga hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland?

0
1230

Hargeysa (Hargeisa Press)- Fadhigii 19-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu ku wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Waxa xusid mudan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu Madaxweyne ku-xigeenka JSL si kal iyo laab-furan ugu soo dhaweeyey Madaxtooyada. Intaa kadibna Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku waxay si wadajir ah u galeen Qolka Shirarka Golaha Wasiirrada, halkaasi oo ay Wasiirradu Madaxweyne ku-xigeenka ku qaabileen sacab-istaag ah (𝐒𝐭𝐚𝐧𝐝𝐢𝐧𝐠 𝐎𝐯𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧).

Qodobada lagaga wada hadlay Fadhigii 19-aad ee Shirka Golaha Wasiirada ayaa ahaa arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobada maanta waxa ka mid ahaa:

𝟏. 𝐗𝐨𝐠-𝐰𝐚𝐫𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚:

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi (oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Caasimadda Hargeysa) ayaa Golaha Wasiirrada si qoto dheer ugaga xog warramay safarkiisii shaqo ee isaga iyo weftigiisu ay in ka badan 70 maalmood ku joogeen Gobollada Bariga dalka. Madaxweyne Ku-xigeenka JSL waxa uu si faah-faahsan uga war bixiyey hannaanka iyo farsamada ay isaga iyo weftigiisu u mareen arrimaha la xidhiidha Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo xidhidda nabadda lagu soo af-jaray colaadii muddada dheer ka oognayd Degmada Ceel-Afweyn.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu sheegay in isaga iyo weftigiisa uu Allah (SXWT) ku gargaaray in uu Qarankeenu gaadho guulahaa dhaxal-galka ah, iyada oo aanay jirin cid inaga caawisay ama inaga gacan siisay hawlahaa baaxadda leh. Madaxweyne Ku-xigeenka JSL waxa uu hoosta ka xarriiqay in go’aan qaadasho dhab ah iyo ku dhac geesinnimo leh oo uu Madaxweynaha Qaranku horseed ka ahaa ay suurto gelisay in aynu Qaramayno Ciidamo Madani ah oo baaxaddaa leh, isla markaana nabad, is-afgarad iyo xal waara laga gaadho colaaddii riiqda dheeraatay ee Degmada Ceel-Afweyn.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa si mug iyo miisaanba leh ugu mahad naqay Xubnaha weftigiisa (Wasiirrada iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka) oo ka mid ahaa hawl wadeennada Xukuumadda ee muddada dheer Madaxweyne ku-xigeenka ka gacan siinayey arrimaha nabadaynta iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah.

Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka JSL waxa uu mahad naq maamuus iyo milgaba leh u diray Salaadiinta, Cuqaasha, Wax-garadka, Haweenka iyo Dhallinyarada ka soo jeeda Degmada Ceel-Afweyn iyo Degaanada laga Qarameeyey Ciidamada Madaniga, taasoo la’aantood aanay suurto gasheen hawlahaa waaweyn ee Qaran ahaan innoo qabsoomay.

𝟐. 𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥-𝐝𝐚𝐚𝐝𝐞𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚:

Golaha Wasiirrada JSL waxa ay maanta dood dheer ka yeesheen Nidaamka Maamul-daadejinta Dawliga ah (decentralization) ee Gobollada iyo Degmooyinka dalka, gaar ahaan: a) Maamul-daadejin Siyaasadeed; b) Maamul-daadejin xagga Maamulka ah; iyo c) Maamul-daadejin Miisaaniyadeed.

Maamul-daadejintu waa nidaam fududaynaya in ay isu soo dhawaadaan maamulka Dawliga ah (mid dhexe iyo hoose) iyo muwaadiniintu. Dhinaca kale, waxa ay suurto galinaysaa in si wacan loo qorsheeyo loona tayeeyo bixinta adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha iyo horumarka bulshada.

Maamul-daadejintu waxa ay awoodaynaysaa go’aan-qaadashada heer deegaan, xoojinta isla-xisaabtanka iyo kor-joogtaynta bixinta adeegyada bulshada ku habboon. Sidoo kale, Maamul-daadejintu waxa ay suurto gelisaa koboca dhaqaalaha iyada oo awood u siinaya maamullada maxalliga ah in ay balaadhiyaan saldhigga cashuuraha (tax base) iyo maalgashiga mudnaanta bulshada heer deegaan. Doodda Golaha Wasiirrada ee Maamul-daadejinta waxa lagu ballamay in sii socon doonto fadhiyada Golaha ee soo socda.

𝟑. 𝐔 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟏𝟖-𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐲:

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo ka mid Guddida Qaban-qaabada Xuska 18-ka May, ayaa Golaha Wasiirrada ku baraarujiyey in Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladdu ay ka hawl galaan sidii ay Xarumahooda ugu qurxin lahaayeen Calanka iyo Calaamadaha Qaranka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadu waxa uu Golaha u sheegay in loo baahan yahay in Wasiirradu ay bulshada dib ugu noqdaan oo ay kala qayb galaan Xafladaha iyo Isu-soo-baxyada ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee dalka, kuwaasi oo loogu diyaar garoobayo Xuska Maalinta Dib-ula-soo-noqoshada Qarannimada JSL ee 18-ka May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here