Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Hargeysa

0
1075

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey, ayaa waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Waxaana weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland hogaaminayay, duleedka magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Aqoonyahan, Waxgarad, Siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftiga uu hogaaminaayey, ayaa muddo ka badan 70 maalmood safar shaqo ugu maqnaa Gobollada Bariga Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo weftigiisu waxa ay soo fuliyeen hawlo muhimmad weyn u leh dadka iyo dalalka, hawlaasi waxa ugu mudan Qaramadeynta Ciidamada Madaniga ah iyo nabadda ay ka xidheen Degmada Ceel Afweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here