Hargeisa (Hargeisa Press) – Dowladda Hoose ee Hargeysa, ayaa Shaacisay Tirada Dadka Hargeysa ugu dhintay Covid-19 bishii aynu soo dhaafnay ee March 2021.
Agaasimaha arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf Cali oo maanta Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay 47 Qof Hargeysa ugu dhinteen Xanuunkaas.
Sidoo kale, Khadar Yuusuf Cali ayaa Faah-faahin ka bixiyay xogta ay hayaan dowlad hoose ahaan, isagoona sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in dadka u dhinta cudurka Covid-19 marka la aasayo lacag laga qaado.
Warar aan rasmi ahayn oo sidaasi sheegayay ayaa maalmihii la soo dhaafay hadal hayntoodu socotay.