Mas’uuliyiinta sare iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo Maanta Dalka Si Kal iyo Laaba ugu Soo Dhaweeyey Diblomaasi-Sare/Dr.Maxamed Cali + Kuna Dhawaaqay In uu u Tartamaayo Murashaxnimada Madaxweyne Xigeen ee Xisbiga WADDANI + SAWIRRO

0
1195

Hargeysa, (HargeisaPress) — Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta madaarka Hargeysa si ballaadhan oo kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey murashax aad u mug iyo miisaan culus oo u tartamaaya murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI.

Waxaana soo dhaweyntiisii ka qeyb-qaatay hoggaanada, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo sida oo kale taageerayaal kale oo aad u tira badan, kuwaasi oo dhammaantoodba lu’laayey calanka liimiga ah ee xisbiga WADDANI, boodhadha ay ku xardhan yihiin sawirada Diblomaasi Maxamed Cali iyo sida oo kale hadalo ay ku muujinaayeen taageerada ay u hayaan oo kaga dhex dhawaaqayeen madaarka Hargeysa.

kkkakakak

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xoghayaha arrimaha gudaha Daa’uud Food Cadde iyo mas’uuliyiin kale oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa si diiran u soo dhaweeyey Diblomaasiga, waxaana ay tilmaameen in immaansha Diblomaasiga si weyn loo sugaayey isla mar ahaantaana uu ku soo beegmay wakhtiggii ku munaasibka ahaa, iyaga  oo sida oo kalena uu ku dhiiriyey in uu halkii ka sii wado hawlahii xisbiga iyo barnaamijyaddiisii siyaasiga ahaaba.

ajakakak

 

Ambassador/Dr.Maxamed Cali Cabdi oo ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa isna dhankiisa, waxaa uu faah faahin ka bixiyey u jeedka socdaalkiisa, waxaana uu sheegay I muddo dhowr billood ah uu dalka dibaddiisa ugu maqnaa hawlo shaqo oo gaar iyo sida oo kale kuwa kale oo xagga xisbiga ah, waxa kale oo uu xukuumadda ku dhalliilay hannaankii ay uga hawl-gashay shirweynahii xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye oo uu uu sheegay in uu badka soo dhigay sida aanay xukuumaddu hadhow dhex ugu noqon karin doorashooyinka fooda innagu soo haya ee ay ku tartamayaan xisbiyada Qaranka Somaliland.

kakak

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu dambeyntiina Dr.Maxamed Cali oo hore  safiiro uga soo noqday wadamada Biljamka iyo Holand sida oo kalena hore bare sare uga soo noqday jaamacado ku yaala wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska, ayaa mar kale dhayda ka caddeeyye hankiisa siyaasaddeed ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaana uu madaarka Hargeysa kaga dhawaaqay in uu yahay murashax u tartamaaya jagada madaxweyne xigeen ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, isaga oo tibaaxay in uu diyaar u yahay tartan xor ah oo ka qabsooma xisbiga dhexdiisa, si ay si xor ah oo xalaal ay ugu kala calaf qaadaan dhammaanba ciddii dareen ka hayo in ay u tartamaan jagaddan.

uhj

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Waxay ahayd 2013kii markii aniga oo Ingiriiska joogga aan shaaciyey in aan u tartamaayo murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI, maantana hankii ayaa igu jira, waxaanan diyaar u ahay in aan u tartamo jagada murashaxa madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI, waxaana aan cod dheer ku leeyahay jagadaas ayaan diyaar u ahay una taaganahay in aan u tartamo, damacaygaasina waxa uu yahay mid aan ku doonaayo in aan kaga qeyb-qaato horumarka dalka, oo aan ka baxno dhibbaatooyinka iyo mugdiga inna haysta, nimanka kale ee saaxiibaday iyo walaalahayba ah ee haddii damaca ay yeeshaan waan soo dhaweynayaa, waxaana aan lee yahay miidaanku waa waasic ee aynu galno tartan xor ah oo xalaal, midkii laga guulaystaana midk kale ha taageero uun, xisbiguna waa uu furan yahay oo waa la tartamayaa.”.Ayuu yidhi Dr.Maxamed Cali Cabdi

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here