Hargeysa (Hargeisa Press)- Masuuliyiintii hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland, ayaa maanta waxaa ay xilkii hay’addaasi ku wareejiyeen Masuuliyiinta cusub ee Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu dhawaan u soo magacaabay hay’addaasi.
Munaasibada xaflada xilwareejinta oo ka qabsoontay hoolka hay’adda, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimeyaal, Madaxda dhaqanka, Siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.
Waxaana masuuliyiintii xilka wareejinayay ay soo bandhigeen waxqabadkoodii wakhtigii ay joogeen hay’adda, iyadoona sidoo kale ay masuuliyiinta xilka la wareegaysay ay iyaguna soo bandhigeen qorshahooda ku aadan hay’adda shaqaalaha dowladda.