Masuuliyiin Xilalkoodii Ku Waayay Xog Ay Siiyeen Hanti-dhowrka Qaranka

0
870

Hargaysa (Hargeisa Press.com):  Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cismaan Jaamac Aadan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Axmed Abokor,  ayaa la sheegay in ay xilalkii ka qaadeen Agaasime Waaxeedyo iyo xubno kale.

Kuwaasoo la sheegay in Hanti-dhawrku guud ee Qaranku ka waraystay Lacago la lunsaday, kuwaas oo iyagu iska fogaayey Lacago magacyadooda ku qornaa inay qaateen oo ay Hanti-dhawrka u sheegeen inaanay shaqo ku lahayn.

Dhacdadan ayaa sida la sheegay ay Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud ay aad uga cadhoodeen, isla-markaana sababtay inay xilka qaadaan.

Sida ay sheegayaan Xogaha laga helayo Amuurtaasi waxa jira iyaguna Saraakiil kale oo Hanti-dhawrka xogta dhabta ah ka qariyey oo la sheegay iyaguna inay arintaasi ku mutaysteen dalacsiin.

 

Xubnaha Xilkooda ku waayey Warbixinta ay siiyeen Hanti-dhawrka ee ah in aanay shaqo ku lahayn lunsi lacageed, balse Magacyadooda ay Cid kale kula baxday ayaa waxa ka mid ah Agaasimihii Waaxda shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada.

Agaasimihii Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Wasaaradda Waxbarashada Iyo maamulihii dugsiga Farsamada Gacanta ee dawladda iyo xubno kale.

Hanti-dhawrka guud ee Qaranka Somaliland ayaa 5 bilood ka hor baadhis ka bilaabay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo la sheegay inuu ka jirro Musuqmaasuq baahsani, kaas oo aan ilaa imika wax Natiijo ah ka soo saarin.

Lama oga Cadadka la sheegay in Magacyadooda lagula baxay Agaasime-waaxeedyada Xilalka laga qaaday.

Isku soo wada duuboo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa iyaga la dhawrayaa go’aammada ay ka qaataan tallaabada ay qaadeen Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ololihii doorashada ku soo galay inuu la dagaalamayo Musuqmaasuqa.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here