Masuul Sare Oo Iska Casilay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani

0
592

Hargaysa (HP): Xoghayihii duulista iyo hawadda u qaabilsanaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu xisbigaasi ka hayay iyo xubin-nimadii uu kaga tirsanaa golaha dhexe ee xisbigaasi.

Nuuradiin Ibraahim Cabdi, ayaa ku tilmaamay sababta uu xisbiga Waddani isaga casilay in ay la xidhiidho isagoo u arkay in aanu xisbigaasi ka leexday nidaamkii mucaaradnimadda xisbi looga baahan yahay xisbi mucaarad.

Wuxuu sheegay in muddo saddex sanadood ah oo uu xisbigaasi ka tirsanaa kadib uu maanta go’aansaday in uu gebi ahaanba isaga baxay, isagoona halkaas ka akhriyay sagaal qodob oo uu ku sabeeyay ka bixitaankiisa.

Halkan Ka Daawo  Shirka Jaraa’id Ee Nuuradiin Ibraahim Cabdi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here