Masuiliyiin Beeniyay In Koox Hubaysani Qabsatay Garroonka Diyaaradaha Burco

0
455

Burco (HP): Maamulka gobolka Togdheer, iyo masuuliyiin kale ayaa beeniyay warar sheegayay in koox hubaysani ay qabsatay garroonka diyaaradaha magaaladda Burco.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Maxamed Cabdillaahi Nafaqo, iyo maamulaha Madaarka diyaaradaha Burco Cabdirisaaq Nuur Caraale, ayaa been abuur ku tilmaamay warkaasi laga faafiyay garroonka diyaaradaha Burco.

Masuuliyiintaasi oo uu wehelinayay taliyaha qaybta ciidanka booliska gobolka Togdheer, oo ka warbixinayay kormeer ay maanta ku soo mareen madaarka diyaaradaha magaaladda Burco, ayaa mid aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay warkaasi lagu baahiyay Facebook.

Badhasaabka Togdheer iyo masuuliyiinta la socday ayaa u kuur galay hawlaha shaqo ee ka socda garoonka doyaaradaha, iyo sida uu ugu addeego bulsho weynta Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Nafaqo, ayaa sheegay in madaarku yahay mid amaan ah, oo aanay jirin cid is hortaagi karta hawlaha shaqo ee ka socda.

Waxaanu tilmaamay badhasaabku in ay waxba kama jiraan yihiin wararka la baahiyay ee sheegayay in koox hubaysani ay la wareegtay garroonka diyaaradaha Burco.

Maamulaha Madaarka Burco Cabdirisaaq Nuur Caraale, ayaa isna sheegay in garoonka diyaaraduhu uu yahay mid ay kawada hawl gali karaan dhammaan diyaaradaha dalalka aynu jaarka nahay, iyo kuwa caalamkuba.

Waxaanu dadweynaha Somaliland u cadeeyey in madaarku sidii sii u shaqeynaayo, iyadoo afar iyo labaatanka sacadood na uu furan yahay shaqadiisa iyo hawlaha uu bulshada u hayaaba si wacan xiligan u socdaan.

Sidoo kale waxa uu maamulaha Garoonka diyaaradaha Burco meesha ka saaray wararka lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku xidhiidho ee Facebook, waxaanu xusay in diyaarad kasoo kicitinta dalka Kenya ay wakhti kasta iman karto.

Cabdirisaaq Nuur Caraale, ayaa tilmaamay in xukuumadda Somaliland amniga madaarada dalka xil gaar ah iska saartey oo madaradda wadanku yihiin kuga ugu amaanka badan Geeska Africa.

Geesta kale taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Togdheer Gaashaanle Sare Cali, ayaa isna sheegay in aanay jirin cid xilligan looga baqayo amniga Garoonka diyaaradaha ee Burco.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here