D/Hoose Ee Hargaysa Oo Caasimadda Ka Fulisay Olole Nadaafadeed

0
271

Hargaysa (HP): Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa ayaa maanta olole nadaafadeed ka sameysay gudaha caasimada dalka ee Hargeysa.


Ololahan nadaafadeed ee maanta hor hor kacayay maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa Khadar Axmed Cumar, kaasoo ay ka fuliyeen shan goobood oo waa weyn.

Goobihii ay maayar ku-xigeenka iyo shaqaalaha dawladda hoose hoose oo is garabsanayaa ay ololahan nadaafadeed ka sameeyeen ayaa kala ahaa cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, dooxa weyn ee Hargeysa, Baliga xaafada Daami, Dhaamka Jig-jiga yar iyo goobo kale.

Ololahan nadaafadeed ayaa lagu nadiifiyaa dhammaan Qashinka goobaha muhiimka yaala, si looga dhigo goobo lagu nasan karro ama indho qabatin leh, iyadoo na laga fogaanayo in xannuuno laga dhaxlo nadaafad darrada.

Geesta kale ololahan nadaafadeed ayaa Dawlada hoose iyo shaqaalaheedu waxa ay magaaladda ka fuliyaan bil kasta todobaadka u danbeeyay maalinka Khamiista ah

Kaasi oo ujeedadiisu tahay in la helo magaalo nadiifa ah oo caafimaadka u wanaagsan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here