Masar oo uga digtay muwaadiniinteeda in ay u safraan Somaliland

0
2295

Qahira (Hargeisa Press)- Xukuumadda Qaahira, ayaa u soo jeedisay Masaarida ku sugan Somaliland, oo ah maamul ka gooni ah Soomaaliya oo aanay Masar aqoonsanayn inay sida ugu dhakhsaha badan uga dhoofaan madaarka Hargeysa, waxaanay xustay in xaalada amni ee deegaankaasi ay xadideyso awooda qunsuliyadaha.

Safaaradda Masar ee Muqdisho, ayaa sidoo kale ugu baaqday dadka qorsheynaya inay booqdaan gobol kasta oo Soomaaliya ka mid ah inay si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka ay dejiyeen hay’adaha ay khusayso.

Arrimahan waxa daba socday xiisado isa soo taraya oo gobolka ka taagan, iyadoo Xukuumadda Somaliland dalkeeda ka ka saartay muwaadiniin Masaari ah, isla-markaana albaabada loo laabay xafiiskii Maktabadda Masar oo uu wakiil ka ahaa wakiilka Qunsuliyada, kaasoo ku yaalla caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Talaabadan ay qaaday xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab u noqotay weerarkii dublamaasiyadeed ee Qaahira ku soo qaaday arrimaha Somaliland ka dib heshiiskii is-afgaradka ee bishii January ee sanadkan ku dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, Addis Ababa. taasoo Somaliland u ogolaatay inay 20 KM oo ka mid ah xeebaheeda muddo 50 sannadood ah ka kirayso Itoobiya oo aan bad lahayn, oo doonaysa inay saldhig ciidan iyo deked ganacsi ka sameysato dalka Somaliland oo ku yaalla Badda Cas, beddelkeedana ay Itoobiya noqoto waddankii ugu horreeyey ee aqoonsaday Somaliland.

Somaliland, oo kordhisay xiisadda gobolka Geeska Afrika iyo muranka Biyaha Webiga Niilka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxay adduunku ku kasbatay inay ula dhaqanto sidii dal buuxa. Inkastoo Itoobiya markii ay heshiiska gashay ay si cad u sheegtay inay noqonayso dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada.

Tan iyo markii dowladda Masar oo ka cadhootay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ay Soomaaliya ka seexatay heshiiska milateri oo ay sheegtay in ay ciidamo u dirtay Soomaaliya ayaa waxaa sii kordhaya xiisadda gobolka.

Wakhtigaas, dowladda Masar waxay bilowday dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo mid ciidan oo ku wajahan gobolka. iyadoo heshiiska lala galay Vila Somalila lagu ballamay in ciidamo la keeno dhanka Soomaaliya, balse arrintan ayaa saameyn ku yeelatay dowladda Itoobiya iyo sidoo kale qaar ka mid ah dalalka ugu waaweyn caalamka iyo diblomaasiyiin. ka digay qorshaha dowladda Masar ay ku doonayso inay ciidamadeeda ugu soo dirto Soomaaliya, kaasoo lagu tilmaamay mid khatar ku ah gobolka, kana sii daraysa xaaladda.

Sidoo kale, dalalka gobolka ayaa walaac ka qaba khatarta ka iman karta ciidamada Masar ee ku soo wajahan gobolka.

Dhanka kale. Ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, ahaana madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan dowladda Soomaaliya u dirtay IGAD, ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta khilaafka u dhaxeeya dalalka Masar iyo Itoobiya. taasoo uu tilmaamay inay xaaladda ka sii dari karto isla-markaana ay wiiqi karto Soomaaliya oo markii hore aan caga badan ku taagneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here