Markab Sida 2136 Koonteenar Oo Dekadda Berbera Ku Soo Xidhay

0
1015

Berbera (Hargeisa Press.com): Markabkii ugu weynaa oo sida 2136 Koonteenar oo ay ku jiraan badeecado kala duwan ayaa xalay ku soo xidhay dekadda magaaladda  Berbera.

Markabkaasi oo noqonaya midkii u horeeyay oo noociisa ah  ee ku soo xidha dekadda Berbera.

Markabkan oo magaciisa la yidhaahdo MC Al-Sabaax, ayaa ka diiwaangashan dalka Singapore kaasoo  niskii danbe ee xalay ku soo xidhay dekadda magaaladda Berbera.

Sidoo kale Markabkan ayaa ah nooca aan lahayn Wiishka wax ka soo dejiya ayaa ka dejinta Koonteenaradda saaran waxaa loo isticmaalayaa Wiishash cusub oo ay dhawaan dekadda Berbera u keentay shirkadda DP World oo maamulka dekadda gacanta ku haysa.

Wiishashkaas oo awood u leh in ay maraakiibta waaweyn ka dejiyaan Koontiineeradda iyo badeecadaha kala duwan ee ay sidaan maraakiibta ku soo xidhata dekadda Berbera, sida uu sheegay madaxa hawl gelinta ee shirkadda DP World ee dekadda Berbera Cali Ismaaciil.

โ€œWaa markii u horaysay oo ay suurto gasho in markabkan oo ah mid ku cusub dekadda Berbera uu ku soo xidho. Kaasoo sida 2136 Koonteenar.

Waxaana suuro geliyay in uu dekadda Berbera ku soo xidho qalabka casriga ah ee dekadda loo keenay iyo qalabka Badda hoosteeda la dhigay si loogu soo hago xiliyadda habeenkii ee madowgu jiroโ€ayuu yidhi Cali Ismaaciil, oo maanta war fidiyeenadda faahfaahin ka siinayay markabkaasi.

Isagoo hadalka sii watay-na waxa uu yidhi โ€œMarkabkan waxaa magaciisa la yidhaahdaa Zima Sabha. Waxaanu ka diiwaan gashan yahay dalka Singapore. Markabkani waxa weeyaan markii u horaysay oo Markab aan Wiish lahayn uu yimaado dekadda Berbera.

Waxaana lagu isticmaalayaa waxa loo yaqaano Wiishashka socda ee awoodda u leh in ay soo dejiyaan Koonteenaradda markabka saaranโ€.

Madaxa hawl gelinta dekadda Berbera waxa kaloo uu sheegay in qalabkan casriga ah ee loo isticmaalayo soo dejinta Koonteenaradda saaran markabkan ay fududaynayso in wakhti kooban lagu dejiyo.

Cali Ismaaciil, oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi โ€œTani waxay kala fududaynaysaa baahidii dadweynaha ee qalabka ku jira Koonteenaradda in ay ka gurtaan.

Halkii ay todoba maalmood ka sugi lahaayeen in alaabooyinkii wakhti deg deg ah ama maalin iyo badh  dejinta Koonteenaradu ay ku dhamaatoโ€.

Geesta kale in markabka aan lahayn Wiishash ama dejiyeyaal uu ku soo xidho  dekadda Berbera ayaa muujinaysa in horumar iyo casriyayn lagu sameeyay dekadda Berbera, isla markaana uu faraq weyn u dhexeeyo wakhtiyadii hore iyo hadda.

Tallaabadaasi oo ay ganacsatadda badeecaduhu uga soo degaan dekadda Berbera iyo masuuliyiinta ka shaqeeyaaba ay u arkaan in ay ka turjumayso in shirkadda DP World ay wax qabad balaadhan ka samaysay dekadda mudadda ay maamulkeedda gacanta ku haysay.

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here