“Marka laba nin dagaalamaan ka laga adkaadaa caruurtiisa ayuu laayaa”… Faarax Macalin

0
799

Nairobi (Hargeisa Press.com): Xili uu sii xoogaysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya wadamadda Soomaaliya iyo Kenya, ayaa waxa laga cabsi qabaa in khilaafkaasi uu saamayn taban ku yeesho bulshadda Soomaalida ah eek u nool woqooyi bari Kenya.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaara, ayaa si cadho leh u sheegay in aanay marnaba aqbali doonin saamayn bulshadda Soomaalida Kiiniyaanka ah kaga timaadda khilaafkaasi.

Faarax Macalin,  ayaa tilmaamay in dhaqan ay u leeyihiin bulshooyinka aan Soomaalida ahayn ee Kiiniyaanka ahi in ay dadka Soomaalida ah dhibaateeyaan maarka uu khilaaf soo kala dhex galo dawladaha Soomaaliya iyo Kiiniya.

Isagoo ka hadlayay aragtidiisa ku aadan muranka dhinaca Badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “Wax maxkamad hor yaala oo weli go’aankiisu aanu soo bixin in laga hadlo ma aha.

Maadaama oo khilaafku maxkamad hor yaalo, oo labadda dhinacba ay gareeno u joogaan maxkamadda, oo laga dooday, oo lagu heshiiyay in dhinac walba ku khasban yahay in uu qaato wixii maxkamadda ka soo baxa”.

Faarax Macalin, oo maanta u waramay BBC mar  la waydiiyay waxa uu ula jeeday qoraal uu dhawaan soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo ahaa ‘marka laba nin dagaalamaan, oo mid laga adkaado, marka uu gurigiisa ku noqdo caruurtiisa ayuu laayaa’.

Waxa uu ku jawaabay  “Anagu (Soomaalida Kenya) dad taariikh dheer leh baan nahay, cadaadin badan iyo dil, boob iyo dhac badan ayaan soo marnay. Anagoo qaranka Kenya ka mid ah, anagoo qaranka Kenya qayn weyn ku leh, oo uu ka mid dhigay mustabmarkii.

Dood iyo ka gu’itaan Kenya-na oo aan imika wadanaana aanay jirin oo ka mid aan nahay Kenya. Markaa dadka Kenya leh in aan ka leenahay mooyee, cid naga leh ma jirto”ayuu yidhi Faarax Macalin.

“Taariikhda na soo martay waxay tahay, marka ay dhacdo dhibaato u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya waxaa jira dhaqan Duli ah, oo qaranimo cid sheeganaysaa aanay qabin ayay leeyihiin dadkan aan la nool nahay ee Kiiniyaanka ahi, taasoo ah in lagu soo laabto Soomaalida wadankan ku nool.

Taas ayaan ka afeefanayaa, oo aan leeyahay in aanay suurtogal noqon doonin, mar danbe-na aanaan qaadan doonin”ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya.

Waxa kaloo uu sheegay in dhacdadii baadhitaanka ahayd ee ay dhawaan dawladda Kenya ku samaysay xawaaladaha magaaladda Nairobi oo uu ku tilmaamay dhaqan xun oo aan waafaqsanayn qaranimadda oo ah waxyaabaha ay ku dhaqmaan Kiiniyaanku.

Geesta kale Faarax Macalin Dawaara, ayaa ka digay in haddii ay dhacdo in dhibaato ay dadka Soomaalida ah ee Kiiniyaanka ah ka soo gaadho arrinta khilaafkaasi in aanay  u dul qaadan doonin.

Waxaanu yidhi “Mar danbe u dul qaadan mayno dhaqanka noocaasi ah in lagu sameeyo Soomaalida Kiiniyaanka ah.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa Badda isku haysta, ha ku kala baxaan. Laakiin, anaga dadkayaga waa uun in sharaftayadda na loo ilaaliyo”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here