Mareykanka oo war kasoo saaray kulankii Madaxweyne Biixi iyo Danjire Richard

0
1831

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dowladda Mareykanka, ayaa war ka soo saartay ujeeddada socdaal ay Khamiista maanta Hargeysa ku yimaaddeen dubloomaasiyiin uu hoggaaminayo Safiirka dalkaas u qaabilsan Arrimaha Soomaalida.

Danjire Richard H. Riley oo ay weheliyaan Geoffrey Parker iyo Obermueller Martin oo ah diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, waxa qasriga madaxtooyada ku qaabiley madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Keyd, waxaanay kulankaas kaga wada-hadleen arrimo khuseeya xidhiidhka labada waddan, heshiiska Itoobiya iyo ammaanka Gobolka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka baxay madaxtooyada Somaliland.

Safaaradda Mareykanku ku leeyahay Muqdisho, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku faahfaahisay ujeeddada socdaalka weftgiga uu hoggaaminayo Danjire Richard Riley, waxaanay sheegay inuu qayb ka yahay dedaallo dowladdu Mareykanku ku dhiirrigelinayso xoojinta Amniga iyo iskaashiga gobolka.

Warku wuxuu intaas ku daray in Safiirku kulamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah iyo ganacsatada dalka.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay inuu Safiirku Madaxweynaha u xaqiijiyay inay dowladda Mareykanka barbar taagan tahay isla markaana taageerayso horumarka iyo nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland.

Safiirka Mareykanka, waxa uu madaxweynaha Somaliland kala hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Geeska Afrika, isagoo soo jeediyey in iskaashi iyo wada-xaajood lagu xalliyo xiisadaha diblomaasiyadeed iyo kuwa dhinaca amniga ee gobolka ka jira.

Sida lagu Sheegay war-saxaadadeed, Safiirka Mareykanka waxa uu madaxweynaha iyo madaxda kale ee kulanku dhexmaray u soo jeediyey in loo hoggaansamo isla markaana la dabbaqo wakhtiga loo muddeeyey doorashooyinka.

Gebo-gabadii war-saxaafadeedka waxa lagu sheegay in safiirka Mareykanku kulamo la qaatay Ganacsatada waaweyn ee Somaliland isla markaana uu kala hadlay sidii loo xoojin xidhiidhka ka dhexeeya Ganacsatada iyo Shirkadaha dalka Mareykanka.

Kulanka dhexmaray Safiirka iyo Ganacsatada, ayaa qayb ka ah hirgelinta heshiis iskaashi oo lagu ibo-furay socdaal madaxweynaha Somaliland uu sannadkii hore ku tagay dalka Mareykanka, kaas oo dhiirrigelinaya Xidhiidhka ganacsi ee Somaliland Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka Safiirka Mareykanka, ayaa u muuqda dedaallo ay xal ugu raadinayso xurgufta ka dhex-aloosan waddamada Gobolka Geeska Afrika, taas oo la rumaysan yahay inay ka dhalatay heshiiska is-afgarad ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here