Muqdisho (Hargeisa Press) – War ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerar culus oo Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigga Balli-doogle oo fadhiisin u ah ciidamo iyo tababarayaal Mareykan ah.
War Saxaafadeed ka soo baxay Saafaradda ayaa lagu sheegay in wax khasaaro ah aanu weerarkasi kasoo gaadhin ciidamada Soomaaliya ee ku sugan xerada Balli-doogle ee Shabeellaha Hoose.
“Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Balli-doogle iyo Muqdisho. Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliya oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fadhiisin ciidanka Soomaaliya uu ku lee yahay Balli-doogle ee gobolka shabeelaha hoose.”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadii ku sugnaa Saldhigga Balli-doogle ay ahaayeen kuwo feejigan.
“Ciidanka ayaa ahaa mid feejignaan ka muuqatay waxaa-ayna ku guuleysteen in ay ka hortagaan wareerka fashilmey.”
Mareykanka ayaa weerarkan ku tilmaamay mid muujinaya in Al-shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.
Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.