Mareykanka oo Shaaciyay Xog Ku Saabsan Duulaankii Al-Shabaab Ee Itoobiya

0
1103

Washington (Hargeisa Press) – Milateriga Mareykanka, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay duulaanka ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gobolka Soomaalida ee Itoobiya, halkaasi oo ay ka dagaalamayaan ku dhowaad 10 maalmood.

Taliyaha Taliska Afrika ee ciidamada Mareykanka (AFRICOM), Jeneral Stephen Townsend, ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay inta badan xakameeyeen weerarka Al-Shabaab, balse ay kooxda Al-Shabaab awood u yeelatay inay illaa 150 km gudaha u galaan Itoobiya.

Townsend, ayaa intaas ku daray in weerarku aanu ahayn mid soo boodo ah oo hal mar dhacay, balse uu qeyb ka yahay isku day ay kooxdan sare ugu qaadeyso weeraradeeda ka baxsan xuduudaha Soomaaliya.

Taliyaha AFRICOM, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ay sii xoogeystay 18-kii bilood ee ciidamada Mareykanka ay ka maqnaayeen Soomaaliya.

“Waxay noqdeen kuwo sidaa hore ka ballaadhan, ka xooggan kana geesisan, hadda waa inaan ka hortagnaa hindiseyaashooda,” ayuu yidhi.

Dagaalka Al-Shabaab ay Arbacadii 20-kii May ay ku galeen Itoobiya, ayaa ahaa markii ugu horeysay ee kooxdaas ay si buuxda uga tallaabto xuduuddka Soomaaliya iyo gobolka Soomaalida Itoobiya.

Labada dhinac, ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, iyada Al-Shabaab ay sheegeen inay dileen 87 askari oo Liyuu Boolis ah, halka maamulka gobolka uu sheegtay dilka 254 Shabaab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here