Mareykanka oo Qaaday Tallaabo Ka Dhan Ah Qulqulka Muhaajiriinta

0
539

Washington (Hargeisa Press)- Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka, ayaa sheegtay inay ciidamo dheeraad ah gayn doonto si ay gacan uga gaystaan sugidda amniga xuduudda Mareykanka iyo Mexico.

Go’aankan, ayaa imanaya xilli saraakiisha ay ka cabsi qabaan inay sare u kacaan muhaajiriinta isku dayaya inay kasoo gudbaan xuduudda marka ay 11-ka May dhammaadaan xayiraadaha socdaallka ee la xidhiidha COVID-19.

Qiyaastii 1,500 oo askari, ayaa la gayn doonaa xuduudda, kuwaasi oo dheeraad ku noqon doona 2,500 oo hore halkaas u joogay si ay u taageeraan mas’uuliyiinta ilaalada xuduudda.

“Muddo 90 maalmood ah, shaqalaahan milateri waxay buuxin doonaan firaaqyo xasaasi ah,” waxaa sidaas bayaan ku yidhi afhayeen u hadlan Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder.

Marka la gaadho 11-ka May, maamulka madaxweyne Biden, ayaa qaadi doona xeerka Title 42, oo ah xayiraad adag oo uu soo saaray madaxweyne Donald Trump, si uu u diido soo gelitaanka muhaajiriinta, una eryo dadka magan-galyo doonka ah, iyada oo qiil laga dhiganayo COVID-19.

Iyada oo la fududeynayo xeerarkii Coronavirs — oo ay ku jirto go’aankii Isniinta ee lagu soo afjaray tallaalka looga baahnaa dadka usoo safraya Mareykanka, maamulka Biden qiil kama dhigan karo xeerka Title 42, si loo xakameeyo muhaajiriinta.

Taa beddelkeeda, maamulka, ayaa qorsheynaya inuu Muhaajiriinta ku xakameeyo adeegsiga Xeerka Title 8, oo dambi ka dhigaya kasoo tallaabista sharci-darrada ah ee xuduudda, taasi oo qofka sidaas sameeya u diideysa inuu sharci helo mustaqbalka.

Washington, ayaa sheegtay inay rajeyneyso in muhaajiriinta iyo magan-galyo doonka ay hadda isku diiwaan geliyaan wareysiga saraakiisha socdaalka iyaga oo jooga dalalkooda, ama dalalka ay soo maraan kahor inta aanay iman xuduudda.

Wareysiga waa in lagu soo diyaariyaa app-ka cusub ee CBP One.

Sidoo kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa ku dhowaaqday toddobaadkii tegay inay diyaarineyso xarumo lagu eego kiisaska muhaajiriinta oo laga sameynayo dalalka, iyada oo lagu billaabayo Columbia iyo Guatemala.

Dalalka Canada iyo Spain, ayaa sidoo kale ogolaaday inay qaataan qaar ka mid ah muhaajiriinta kiiskooda lagu soo caddeeyo dalalkaas, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here