Mareykanka oo Madaxda xisbiyadda Somaliland kala hadlay doorashooyinka iyo heshiiska Itoobiya

0
5290

Hargeysa (Hargeisa Press)- Kulan xaasasi ah, ayaa caawa waxaa uu magaalada Hargeysa ku dhexmaray weftigii ka socday aqalka Congress-ka Mareykanka iyo hoggaamiyeyaasha madaxda xisbiyada qaran Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI.

Labada dhinac, ayaa kulankan kaga wadahadlay hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, ammaanka gobolka Geeska Afrika, heshiiska is-faham ee dhexmaray dowladaha Somaliland & Itoobiya iyo xoojinta xidhiidhka iskaashiga dalalka Mareykanka iyo Somaliland, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xisbiga KULMIYE.

Qoraalka, ayaa lagu sheegay inay madaxda saddexda xisbi ay isku raaceen oo weftiga uga warrameen heerarkii ay soo martay Somaliland sida dawlad-dhiskii, hirgelinta nabadgalyada iyo hannaanka dimuqraadiyadda oo dhammaantood ay reer Somaliland kelidooda hirgeliyeen iyagoo aan wax taageero ah habayaraatee ka helin beesha caalamka, iyadoo waqtigana dimuqraadiyadda iyo ammaanka Somaliland loo tixgeliyo inay yihiin kuwa ugu horreeya qaaradda Afrika.

Hase-yeeshee, looga baahan yahay dowladda Mareykanka iyo dalalka kale ee dimuqraadiga ah inay taageero ka gaystaan sidii hannaankaasi u sii guulaysan lahaa.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in masuuliyiinta axsaabta Somaliland uga warrameen weftiga kaalinta Somaliland ku leedahay ilaalinta nabadgalyada Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamkaba, iyadoo si gaar ah loo xusay muhiimada uu gobolka u leeyahay heshiiska Is-afgarad ee dhawaan dhexmaray waddamada Somalialnd iyo Itoobiya, kaas oo ku abuuray dawladda Soomaaliya ee ka talisa Muqdisho inay muujisato cadaawada qaawan ee ay u hayso shacabka reer Somaliland iyo inay ka shaqayso ammaan-darro ka dhacda gobolka.

Xubnaha weftiga ka socda aqalka Congress-ka Mareykanka, ayaa lagu sheegay qoraalka inay boggaadiyeen guulaha waaweyn ee Somaliland gaadhay, iyagoo qiray in aanay reer Somaliland kaalintii taageero ee ay xaqa u lahaayeen ka helin Beesha Caalamka. Sidoo kalena, waxay soo dhaweeyeen iskaashi buuxa oo dhexmara dalkooda iyo Somaliland.

Weftiga, ayaa sidoo kale waxaa ay kulan la qaateen Madaxda dalladaha ururrada bulshada rayidka Somaliland, iyagoona kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo qodobo kale oo la xidhiidha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here