Mareykanka oo Loogu Baaqay Inuu Xidhiidh La Samaysto Somaliland

0
2232
Michael Rubin
Michael Rubin

Washington (Hargeisa Press) – Michael Rubin oo ah Diblumaasi Mareykan ah isla-markaana ka Tirsan Mac-hadka American Enterprise Institute, ayaa mar kale wax ka qoray sida Dowladaha reer galbeedka ee uu Mareykanka ka mid yahay dhaqaalaha badan ugu caawinayaan Soomaaliya, iyaga oo taa beddelkeedana indhaha ka lalinaya Jamhuuriyadda Somaliland.

Michael Rubin oo Maqaal dheer ku baahiyey Internet-ka, ayaa sheegay in Mareykanku isku hawlayo in Xaaladda Soomaaliya gacan ka geysto, xilligaasi oo Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanku is-diidsiinayso guusha Somaliland oo la jaar ah Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Sanadihii u dambeeyay uu Maraykanku Malaayiin dollar ku shubay Soomaaliya, sidoo kalena gacan ka geystay dhismaha Ciidammada kala duwan ee Soomaaliya, sida Booliska iyo kuwo kale ee Amniga, laakiin aanay Tallaabooyinkaasi oo dhami waxba ka beddelin Xaaladda Soomaaliya.

Rubin wuxuu ka warramay Xaaladda Runta ah ee Soomaaliya xilligan ka jirta, isaga oo ku tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu dariiq aan sax ahayn u maray Muddo-kordhinta uu u sameeyay Baarlamaanka oo laftiisa uu muddo-xileedkiisu dhamaaday.

Fool-xumooyinka uu Mr. Rubin qoraalkiisa ku sheegay waxa ka mid ah in la shaqada laga fadhiisiyey Taliyihii Ciidammada Booliska ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo ka hor-yimid Muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha, laakiin Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir loo Magacaabay Askari uu Rubin sheegay inuu ka mid ahaan jiray Xoogagga Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Al-qaacida, kaasi oo uu xusay inuu hore caan uga dhex ahaa kooxdaasi.

Rubin wuxu sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee Dawladda farmaajo xil u Magacowdo qof ka mid ah koox Argagixiso ah, balse uu hore Taliyaha Ciidammada Sirdoonka ugu Magacaabay Fahad Yaasiin oo uu xusay inay jiraan dhukumantiyo sheegaya inuu xidhiidh la lahaa Al-shabaab iyo kooxo kale oo Argagixiso ah.

Micheal Rubin oo Qoraalkiisu dheeraa, ayaa waxa kale oo uu ka warramay in laga yaabo in syaasadda Madaxweyne Farmaajo ay saamayn ku yeesheen Ruushka iyo Shiinaha oo dabcan saamayn ku leh Itoobiya iyo Jabuuti.

Wuxuu is waydiiyey waxa Maraykanka isagoo og xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya uu indhaha uga leexinayo Somaliland oo uu tilmaamay inay Tobanaankii Sano ee u dambeeyay qabsanaysay doorashooyin Cod iyo Qof ah.

Wuxuu xusay in Somaliland Dadkeeda ku diwaangelisay Habka Biometric-ga ah ama la sawiro bu’da indhaha Dadka, si ay qabsato doorashooyin sugan oo amaan ah.

Micheal Rubin wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland weli haysato Jihada siyaasadeed ee reer Galbeedka uu Maraykanku ka mid yahay, sidoo kalena ay xidhiidh la samaysatay Taiwan, waxaanu mar labaad su’aal iska waydiiyey waxa iyada oo waxaasi oo dhami jiraan uu Maraykabku uu u cunaqabataynayo Somaliland.

“Haddii siyaasadda Arrimaha dibedda Maraykanka ee xilligani ku indho beeshay Sawirka xuduudka (Somaliland/Soomaaliya), muxuu Congress-ku toos ula xidhiidhi waayay Somaliland..” ? ayuu qoraalkiisa ku sheegay Micheal Rubin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here