Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa guddi sare (Board Of Directors) u magacaabay wakaaladda biyaha Hargeysa. Guddida oo ka kooban 11 xubnood oo aqoon yahan iyo culimo ka dhex muuqato ayaa xilkoodu yahay jaangoynta siyaasadda biyaha Hargeysa iyo la xisaabtanka maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa.