“Madaxweyne Siilaanyo Waxaan Leeyahay Doorashana Ha U Loolamin Ee Salligaaga Iska Qaado Oo Iska Cibaadayso Oo Iscasil” Eng Maxamed Xaashi Cilmi

0
920

Hargeysa, (HargeisaPress) — Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka tirsan Siyaasiyiinta ku midaysan Madasha wadatashiga  iyo toosinta Somaliland, ayaa walaac ka muujiyay hanaanka Federal-ka ah ee Beesha Caalamka iyo Qaramada midoobay dabada ka riixayaan oo uu sheegay in Somaliland qarka u saaran tahay.

Wasiirka hore ee Maaliyadda Xukumadda Siilaanyo waxa uu sidoo kale talooyin u soo jeediyay Madaxweyne Siilaanyo, balse ugu horayn isagoo ka hadlaya Hanaanka federalka ee Somalia lagu fidinayo saamaynta uu Somaliland ku yeelanayo waxa uu ku jawaabay

“Arrintaas Federalka hadal haynteedu way badan tahay,dhibaatooyin badan oo la soo maray baa jira, yacnihii tii laga hadli lahaana maanta arrimahaasi may ahayn, waayo? Meel baynu iska dhignay oo Afti baa la qaaday intay wixii Reer Somaliland ahaa isku yimaadeen, Aftidii sidiibaa lagu ansixiyay Distoorkii waxaanay ahayd arrin dhamaatay oo la xabaalay ayay ahayd” ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi Oo U Waramay HCTV.

Mujaahid Maxamed Xaashi waxa uu sheegay in Xukumadda Siilaanyo dib ugu furfurtay Somaliland arrimaha Somalia “Nasiib darro, Maamulkan Axmed Maxamed Siilaanyo wuu soo Faqay oo wuu soo nooleeyay.Shirkii London ee laga qayb galay wuxuu Khamiistii Golaha wasiiradu isku raacay inaan laga qayb galin” Ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka hadlaya aragtidiisa ku aadan dib u soo noolaynta xidhiidhka Somaliland iyo Ergayga UN-ta u qaabilsan Somalia/Somaliland Nicholas Kay waxa uu yidhi “Nicholas Kay, dalka wuu yimid oo Madaxweynuhu si wanaagsan buu ula hadlay,wuxuu ku yidhi “Dalkani dalkii laguu soo diray maaha, waad soo khaldantay oo qoladan nagu xigta ee Somalia la yidhaa ayaa laguu soo magacaabay, iska noqo hana nagu soo noqon”, waxaa yaab leh haddana xogaa ka bacdi ayuu haddana yimid oo la qaabilay oo la soo dhaweeyay.

Waxa kale oo jira Xafiisyo Qaramada midoobay leeyihiin oo Magaca Somalia dalka ku jooga oo ka shaqeeya ayaa jira. Baarlamaankaas meesha jooga ee 82-ka qof ahi(Golaha wakiilada) iyaga Guurtidu qaar nafleba maahee aan Kordhinno ayuun bay yaqaane, waxay odhan kari waayeen ama tahli waayeen inay yidhaahdaan ama naga baxa ama Magaca Somaliland ku jooga”

Eng Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu dhanka kalena farriin u diray Madaxweyne Siilaanyo “Waxaan leeyahay meeshani waa meeshii aad inbadan u soo bu’aysay oo Illaahay ku soo gaadhsiiyay, Wixii aad ka qaban lahayd iyo wixii kaa khaldami lahaa wixii wada dhace oo waxba kama qaban kartid, tan baan sii kordhinayaana wax caqliga gala maaha, Waxaan Odhan lahaa Doorashana ha u Loolamin ee Masalahaaga iska qaado oo iska Cibaadayso Oo Iska Casil baan odhan lahaa” ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here