Madaxweyne Siilaanyo Oo Masuul Cusub Magacaabay

0
874
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-36561/102015 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:        Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:        In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:         Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Aadan Cabdulaahi Cabdalle Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dub-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore Agaasimihii Diinta iyo Awqaafta)

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

   Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr)

      Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here