Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Qaarka Mid Ah Jagooyinka Wasiiradu Iska Casileen

0
816

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Madaxweynaha Somaliland ayaa digreeto uu soo saaray ku buuxiyay jagooyin shalay ay iska casileen wasiiro iyo kuxigeenno 10 gaadhayay. Waxaa wasaaradda madaxtooyada loo magacaabay wasiirkii duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, halka arrimaha dibadda loo magacaabay wasiirkii qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire.. halka Afhayeenka Madaxtooyada loo magaacabay Aqoonyahan Xuseen Aaden Cige (Deyr).

Digreetada Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3631/102015 Isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey golaha wasiirada Somaliland, isagoo buuxiyey qaar ka mida wasaaradihii ay baneeyeen wasiiradii hore iyo Magacaabayna Afhayeen Cusub.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:           Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:    In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:          In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland(Hore Duulista)

 

  1. In Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Xildhibaan)

 

  1. In Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga)

 

  1. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland)

 

  1. In Dr. Sacad Cali Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).

 

  1. In Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).

 

  1. In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

                  Naasir Yuusuf  Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here