Madaxweyne Siilaanyo Oo ka qaybgalay sanad guurada 2aad ee Ilaacada Quraanka Kariimka + SAWIRRO

0
958

Hargeysa, (HargeisaPress —Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay xaflada Furitaanka Sanad guurada 2aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ilaacadda Qur’aanka Kariimka ah.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland

Sidoo kale waxa xafladaasi ku lifaaqnaa oo isna la soo gabagabeeyey tafsiirka qur’aanka kariimka ah oo maanta la soo xidhay dhamaadkiisi.

????????????????????????????????????
Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Xafladan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen Culimada dalka intooda badan wasiiro, Xildhibaano, Cuqaal, iyo qaybo ka mida bulshada qaybeheeda kala duwan.

 

waxa xaflada ka hadlay weriye Sheekh Maxamed Shabeel oo ah madaxa ilaacada qur’aanka kariimka ah, isaga oo ugu horayn u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay furitaanka ilaacada qur’aanka kariimka ah oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyada Somalialnd, sidoo kalena waxa uu u mahadnaqay Madaxda Wasaarada warfaafinta oo uu ugu horeeyo wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ilkacase, isaga oo xusayna Shaqaalaha qiimaha badan ee ka shaqeeya ilaacadan Qur’aanka kariimka ah.

????????????????????????????????????
Qaar ka mida Culimada Dalka

waxa isna halkaa ka hadlay Sheekh Maxamed Aadan oo ku hadlay afka culimada, isaga oo sheegay in horumarka ugu weyn ee ka culimo ahaan ay qirayaan markhaatina ka yihiin uu yahay ilaacada qur’aanka kariimka ah ee madaxweynuhu dalka oo dhan ka hirgeliyey aakhirana uu ku faanidoono, odhan-doonana dadkayga oo dhan ayaan gaadhsiiyey qur’aanka kariimka ah, iyada oo ay jiraan waxqabad badan oo aan la dafiri Karin balse anaga ka culimo ahaan tanaa nagu weyn.

ilma yar oo Akhrinaya qur’aan
ilma yar oo Akhrinaya qur’aan

Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Cukuse oo halkaa isna ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha ilaacada qur’aanka kariimka ahi leedahay isaga oo xusay ugu yaraan 20 sheekh oo ka shaqeeya Radio Hargeysa, Tv-ga Qaranka iyo ilaacada quraanka kariimka ah ummaddana u gudbiya wanaaga ay leedahay diinteena suubani.

????????????????????????????????????

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo madasha ka hadlay ayaa u mahadnaqay masuuliyiinta warfaafinta ee ka midho dhaliyey sanad guuradii labaad oo xidhiidha in dalku yeesho ilaacad quraan kariim ah oo toos loogala socdo guud ahaan dalka, waxaanu shahaado sharaf gudoonsiiyey wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta   Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here