Madaxweyne Siilaanyo Oo Furay Shirkii Sanadlaha Ahaa Ee Deeq-bixiyeyaashu Somaliland ku Caawin Jireen + SAWIRRO

0
933

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Hargeysa ka furay Kulanka heerkiisu sareeyo ee lagaga hadlayo isu duwidda mucaawanooyinka Somaliland la siiyo oo markii 8-aad la qabtay.

SHIRKKKK

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen waddamo badan oo Somaliland taageero dhaqaale u fidiya ayaa madaxweyne Siilaanyo khudbad ka jeediyay, isagoo si balaadhan ugu mahadnaqay taageeradooda sannadada badan oo uu sheegay inuu filayo inay sii kordhiyaan mustaqbalka.

shir 33

Madaxweyne wuxuu wufuudda kulanka ka soo qayb galay u sheegay in Somaliland salka ka soo bilawday dhismaha ammaankeeda, islamarkaana aasaastay hay’addo dimuqraadi ah oo loo dhan yahay, kuwaasi oo ku salaysan hanaanka caalamiga ah cod bixinta ama doorashada “Iyadoo la ilaalinayo habkaa dhaqanka ah ee ah in nabad wax lagu xalliyo, waxaan ku faraxsanahay inaan idiin sheego in Maxakamadda dastuuriga ah si adag oo hab loo dhan yahay ah ay u xallisay khilaafkii dib u dhaca doorashada. Xalkaasi oo ah mid loo dhan yahay, dhammaana ay ku qanceen dhinacyada doorashadu khusayso,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

shir sil

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in horumarka Somaliland ku yimid isku filaanshaha iyo midnimada Somaliland “Aasaaskaas adigi wuxuu abuuray jawi Dawladda, bulshada rayidka ah iyo saaxiibadayada caalamku ay ugu wada shaqeeyaan hab wax ku ool ah oo wadajir ah iyo iskaashi dhaw si loo xaqiijiyo horumarka oo barnaamijyada loogu fuliyo si guul ah.  Beesha caalamka iyo shacbiga Somaliland waxay leeyihiin dhaqan soo jireen ah oo ay wada jir ugu shaqeeyaan. Somaliland waxay tustay saaxiibadeeda inay tahay Masuul si firfircoon uga qayb qaadanaysa dedaalka caalamiga ah ee lagaga soo horjeedo Argagixisada, xagjirnimada iyo budhcad badeeda geeska Africa,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

shirka 34

Ugu dambeyn Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu sheegay inuu kulankan ka rajaynayo in lagu lafo guro sidii maxsuul wanaagsan uga soo bixi lahaa gargaarka horumarineed Somaliland la taro iyo sidii loogu qaabayn lahaa habka ugu haboon ee macquulka ah. Waxa uu taageerayaasha caalamiga ah u sheegay in Somaliland sidii looga bartay ay uga go’an tahay ammaanka gobolka iyo sii wadidada xasiloonida.

shir 89

Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna ujeedada kulanka ka war bixiyay “Waxaa la iskugu yimid in la eego horumarka aynu gaadhnay oo ah horumar balaadhan, horumarkaas oo ay aad iyo aad ugu khushuuceen dawladdahan maanta yimid iyo nabaddeenii oo aynu xoojisanay, waxay ka hadleen arrimo xagga horumarka iyo dhaqaalaha ku saabsan, waxaana la eegayaa dhaqaalihii ay ina siiyeen, halkuu marayo, sidii loo sii kobcin lahaa, waxa inaga dhiman, waxaynu ka hagaajinayno, wax qabadka badan ee aynu maanta uga baahan nahay, waxyaabaha kale ee ay ka hadleen ee ay nagala hadleen waxaa ka mid ahaa arrimaha doorashada oo ay nagala taliyeen oo aanu u sheegnay in maxakamaddu soo afjartay,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.

shir 22

Waxa kale oo uu sheegay in bulshada caalamku soo dhawaysay wada hadalkii Somaliland iyo Somalia oo Somaliland diyaar u tahay in la kala dhex galo Somalia “Somaliland waa dad nabad jecel, nabad ayaynu arrimaheena ku xallinay, waxaanu u bandhignay in Somaliland diyaar u tahay in wada hadalkii Somaliland iyo Somalia dib u bilaamaan, iyadoo shuruuda ku xidhani tahay in beesha caalamku na dhexdhexaadiso oo goob joog ka ahaato, oo mid tii turkiga oo kaliya ahaa ka balaadhan la sameeyo, taas ayaanay nagala shaqaynayaan, iyagoo dhammaantoodna muujiyay In wada hadalkaasi yahay muhiim, in nala soo dhex galaana tahay muhiim,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

shirka 322

Wasiirka ayaa sheegay in wadamo badan oo ay ugu horeeyaan dalalka Norway, Denmark, Finland,Britain iyo USA ay ka qayb qaadanayaan kulanka, islamarkaana muwaawimada qayb ka yihiin

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com
.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here