Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Wada Hadalka Jabuuti +SAWIRRO

0
952

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar maalmo qaatay oo ay Jabuuti ku maqnaayeen.

1912334_688991884548001_5562455162865433507_n

Madaxweynaha ayaa Lagu soo dhaweeyay Madaarkaa Haargeysa “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay aniga iyo weftigaygu inaanu dalka ku soo nabad noqono” ayuu yidhi Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay Madaarka.

10857835_688991707881352_7682103997149101769_n

Madaxweynaha oo ka hadlaya wada hadalka uu la yeeshay Madaxweynaha Somalia waxa uu yidhi “Waxaanu ku maqnayn Jabuuti oo aanu ka helay marti qaad aanu kula kulmaynay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekd  Maxamuud iyo weftigiisa, anagoo ka wada hadlaynay danaha labada dal iyo wixii inaga dhexeeyay iyo wixii aynu isku khilaafsanayn, inagoo og inay yihiin dal aynu walaalo nahay oo aynu madax banaanideena kala noqonay oo haddana ay dunidu ay  wada hadal inoo furtay oo aanu ka dhaadhicinaynaynay Qaddiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland”

10456061_688989824548207_2778266816649394263_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here