Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Gabiley

0
561

Gabiley (Hargeisa Press): Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray qaar kale-na dhagax dhigay mashaariic kala duwan oo ay dawladda hoose ee degmadda Gabiley ka hirgelisay magaaladda Gabiley.

 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa dhagax dhigay dugsiga hoose dhexe ee xaafadda Wadda jir ee magaaladda Gabiley, iyo Xayn-daab loo dhisayo xarunta daryeelka carruurta aan waalidka lahayd ee isla magaaladda Gabiley.

Sidoo kale C/raxmaan Saylici, waxa uu xadhiga ka jaray mashaariic dhawr ah oo ay dawladda hoose ee Gabiley ka hirgelisay xaafado ka tirsan magaaladda Gabiley. Kuwaasoo ay ka mid tahay Sayladda xoolaha lagu kala iibsado, Sarriibadda iyo xarunta daryeelka daryeelka Hooyadda iyo Dhalaanka.

Dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyay iyo qurxin lagu sameeyay xarunta dawladda hoose ee degmadda Gabiley.

Iyadoo sidoo kale madaxweyne ku-xigeenku uu soo kormeeray qaybo kale oo mashaariic ah oo ka socda magaaladda Gabiley oo ay fulinayso dawladda hoose.

Waxaana weftiga madaxweyne ku-xigeenka halkaas ku soo dhaweeyay badhasaabka gobolka Gabiley C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, maayarka Gabiley Maxamed-Aamiin Cumar Cabdi, xubno ka tirsan golaha deegaanka Gabiley iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku amaanay dawladda hoose ee Gabiley in ay si wanaagsan u maamuleen lacagtii cashuurta ee ay bulshadda ka qaadeen, isla markaana ay dib ugu soo celiyeen cashuurtii oo mashaariic ah.

Waxaanu sheegay in lacagtii cashuurta ahayd ee ay dadweynaha ka  qaadeen dawladda hoose ee Gabiley, kadib-na ay u qaybiyeen degmadoodii iyagoo  ku saleeyay meel kasta baahidda ka jirta.

Taasoo uu C/raxmaan Saylici, ku tilmaamay in ay tahay u jeedadda looga baahan yahay in ay dawladaha hoose ee dalku bulshadoodda u fuliyaan.

 

“Maanta, mashaariicdan  aan soo kormeernay, waxay muujinaysaa in maayarka degmadda Gabiley iyo saaxiibadii (xildhibaanadda), in ay muujiyeen, in lacagtii cashuurta ahayd ee dadka ka qaadeen, in ay si wanaagsan ugu celiyeen. Oo maamulkii ay ka faa’iidaysteen ayay keeneen.

In ay cashuur badan urursadaan, ay dabadeed-na u qaybsheen degmadoodii, oo meel kastoo ka mid ah deegaanka Gabiley, ay baahidiisii u qaybiyeen, wixii ay heleen. Taasina u jeedadii loo socday ayay ahayd” ayuu yidhi Saylici.

Geesta kale maayarka Gabiley Maxamed-Aamiin Cumar Cabdi, ayaa halkaas ka sheegay in 18 mashruuc oo kala duwan ay dawladda hoose ka waddo magaaladda Gabiley. Kuwaasoo uu madaxweyne ku-xigeenku dhamantooda soo kormeeray.

Maayarka oo madaxweyne ku-xigeenka faahfaahin ka siinayay mashaariicda kala duwan ee ay hirgeliyeen iyo qaybaha ay u ka kooban yihiin, waxa uu yidhi, “Madaxweyne ku-xigeen, waxaynu soo kormeernay 8 (sideed) mashruuc.

8 (Sideedaas) mashruuc oo 5 (shan) ka mid ah, aad xadhiga ka soo jartay. 2 (Laba) ka mid ah na, aad soo dhagax dhigtay. Mid na kormeer baad u soo martay, ay shaqadiisu socoto.

Sideedaas mashruuc, waxa kaloo dheer ilaa 10 (toban) mashruuc oo kale, oo ay weli hawshoodu socoto”.

Maayarku waxa kaloo uu sheegay in dhamaanba mashaariicdaas kala gedisan ay dawladda hoose ka maalgelisay miisaaniyadeedda. Marka laga reebo laba mashuur oo laga maalgeliyay barnaamijka isku xidhka dawladaha hoose ee loo soo gaabiyo JPLG-ga.

“Mashaariicahaas kala duwan, marka laga yimaado 2 (labadda) mashruuc ee Sayladda xoolaha iyo  Sarriibadda, oo ka mid ah mashaariicda aan ka maalgeliyay barnaamijka JPLG-ga, inta kale-ba waxaa hirgelisay dawladda hoose ee Gabiley” ayuu yidhi maayarka Gabiley.

Badhasaabka gobolka Gabiley C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo isna halkaas ka hadlay ayaa bogaadiyay mashaariic fara badan ee ay dawladda hoose ee Gabiley hirgelisay.

Waxaanu tilmaamay in markii uu dhawaan xilka badhasaabnimadda gobolka la wareegay uu kormeer ku soo sameeyay mashaariicda ay dawladda hoose ka waddo magaaladda Gabiley.

Isagoona xusay in uu aad ula yaabay markii loo sheegay in dawladda hoose ee Gabiley ay mashaariicdan maalgelinayso.

Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka iyo weftiga uu hogaminayo oo saaka ka amba-baxay caasimadda Hargaysa waxaa safarka ku wehelinaya wasiirrada waxbarashadda, Boosaha iyo isgaadhsiinta iyo masuuliyiin kale.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo Kalluumaysiga Yurub Abiib Cabdi, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY