Hargeisa (HargeisaPress)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ahnaย Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa bogaadiyey heshiiska taariikhiga ah ee ay maanta magaalada Khartuun ee ku kala saxeexdeenย Golaha ku-meel-gaadhka ah millatariga Suudaan iyo kooxaha isbeddel doonka ee waddankaas,kuwaasi oo soo dhisaya dawlad ku-meelgaadh ah oo ay u dhan yihiin.
Md. Cabdiraxmaan Cabdiaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ย wuxuu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay soo dhaweynayso dedaallada bulshada caalamku ku dhexdhexaadinaysay ย Millatariga iyo kooxaha isbeddel doonka ย Suudaan.
Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland wuxuu sidaas ku sheegay farriin uu ku daabacay caawa bartiisa Twitterka oo ay soo xigatay Shabakada Hargeisa Press, Waxaanu tilmaamay inay soo dhaweynayaanย juhdigii ayย sameeyeen Itoobiya, Midowga Afrika, Maraykanka, Midowga Yurub iyo Urur-goboleedka IGAD.
Today was an historic day for Sudan for signing a new transitional agreement. Somaliland Gov support the mediation efforts of the international community, Ethiopia, AU, US, EU & IGAD. I hope this will lead to a transition that meets the legitimate aspirations of the people #Sudan pic.twitter.com/e29UqB1uLg
— Vice President Abdirahman Saylici (@VPsomaliland) August 17, 2019
Waxa kaloo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ย sheegay in dawladda kumeel-gaadhka ah ee Suudaan ay ka turjumayso ย sharcinimada rabitaanka shacabka reer Suudaan.
Waxay ku heshiiyeenย gole ka kooban lix masuul oo ka socda bulshada ย rayidka ah iyo shan Janaraal ย ay Suudaan sii maamuli doonaanย ilaa inta laga gaadhayo xilliga doorashada.
HargeisaPress News Desk โ Tog-Wajaale