Dubai: Kulan Dhexmaray Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Ururka WGEO

0
572

Dubai (Hargeisa Press.com ): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta magaaladda Dubai kulan kula yeeshay madaxda ururka Dhaqaalaha cagaaran ee Dunida (World Green Economy Organization).

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo safar shaqo ku jooga dalka isu-taga imaaraadka carabta ayaa madaxda ururkaasi waxay ku cassuumay shir muhiim ah oo lagaga hadlayo isbedelka cimiladda.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo uu caawa baahiyay xafiiska warfaafinta ee madaxtooyadda Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ku guda jira safarkiisa shaqo ayaa shalay gaadhay magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, kadib markii ay ka soo duuleen dalka Kuwait oo uu madaxweyne ku xigeenku u joogay maalmahan hawlo shaqo.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo uu wehelinaayo wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb. Muniir Cabdillaahi Abusite ayaa maanta kulan muhiima la qaatay Mr. Musaad Al-Salah oo ah maamulka ururka dhaqaalaha cagaaran ee Dunida.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu la kulmay Mr. Edem Bakhshish oo ah agaasimaha guud ee caalamka u qaabilsan ururkaasi.

Waxaana madaxweyne ku xigeenka iyo labada wasiir ee wasaaraddaha deegaanka iyo horumarinta miyiga iyo macdanta iyo tamarta ku casuumeen shir caalamiya oo lagaga hadlayo isbedelka cimilada adduunka oo lagu qaban doono Dubai, kaasoo socon doona laba maalmood 20-21- October-2019-ka.

Waxaana kulankaasi lagu go’aamiyey in Jamhuuriyadda Somaliland xubin rasmiya ka noqoto shirarka caalamiga ah ee ururkaasi ku qabanayo dunida oo ah mid ay ku kulmaan madaxweyneyaal badan oo ka socda caalamka iyo madax kala duwan oo magac iyo maamuus ku leh dunida.

Iyadoo shirkana uu furidoono madaxweyne ku xigeenka, ahna ra’iisal wasaaraha iyo amiirka Imaaraadka Carabta Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

Safarkan madaxweyne ku xigeenku ku jooga wadamada khaliijka ayaa ah mid shaqo oo uu madaxweyne ku xigeenku ugu kuur-gelayo arrimo la xidhiidha horumarka iyo maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, sidii loo sii xoojin lahaa.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here